Espanyol vs Barcelona – Catalan Derby – Wax Walba Oo Ku Saabsan Kulanka Caawa & MSN Oo Wadajir Noqon Kara.

49

Kooxda Barcelona ayaa caawa tijaabo adag ku mari doonta garoonka Cornella-El Prat oo ku yaala isla gobolka Catalan markaas oo ay marti u noqon doonaan kooxda Espanyol, waana kulanka Catalan Derby.

Balaugrana waxey ciyaari doontaa iyadoo ka warqabta natiijada kulanka Real Madrid ay la leedahay Valencia taasoo waqti ka hor dhaceysa, waxeyna kooxda ciyaari doontaa iyadoo dooneysa iney dhibcaha barbro kala noqoto Los Blancos ama ka saramarto madama labada natiijaba ay ka dhici karaan Santiago.

Neymar Junior ayaa soo dhameestay ganaaxii wuxuuna caawa diyaar u yahay inuu dhameystiro weeraryahanada lagu magaceeyay MSN ee ay heysato kooxda Balaugrana – Messi, Suarez iyo Neymar.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Espanyol vs Barcelona

Tartanka: La Liga

Garoonka: Cornella-El Prat

Garsoore: Alberto Undiano (Spain)

Saacadda: 9:45 Habeenimo (XGA)

OLOLAHA Kulanka: #KulankaEspbar Twitter/Facebook

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD:

Kooxda martida loo yahay waxaa dhaawac kaga maqan Oscar Duarte, sidoo kalana waxaa shaki la galinayaa Alvaro iyo Aaron.

Dhanka kale tababare Luis Enrique waxaa wali ka maqan Aleix Vidal iyo Rafinha oo dhaawac kaga maqan, sidoo kalana Balaugrana waxey dib u heleysaa Neymar Junior oo dhameystiri kara weerarka halista ah ee MSN.

XAQIIQADA KULANKA:

Espanyol ayaan wax guul ah gaarin 15-kii kulan ee ugu dambeeyay kulanka Catalan Derby kulamada La Liga, 3-barbaro iyo 12-guulodar, waana jabka ugu xun oo ay koox La Liga ciyaarto ka hesho.

Espanyol ayaa guul gaartay lix ka mid ah sideedii kulan ee ugu dambeysay oo ay gurigeeda ku ciyaarto kulamada horyaalka, waxey lumisay kulan ay Real Sociedad la ciyaartay February (1-2) iyo kulan ay ka hor jeeday Atletico.

Barcelona ayaa shabaqeeda ilaashatay afartii kulan ee ugu dambeysay oo ay booqatay guriga Espanyol kulamada horyaalka, iyadoo shabaqeeda ka ilaashan karta shan jeer oo xiriir ah markii ugu horeysay.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Espanyol: D. Lopez; J.Lopez, D.Lopez, Reyes, Alvarez; Jurado, Roca, Fuego, Piatti; Moreno, Caicedo.

Barcelona: ter Stegen; Roberto, Pique, Umtiti, Alba; Rakitic, Busquets, Iniesta; Messi, Suarez, Neymar.

Comments

comments

SHARE