Somaliland: Soo Labashada Xisbiga Waddani Iyo Dar-Dar Galin Cusub Oo Ay La Soo Labtan Hoggamiye Xirsi Oo Ila Boor,,,

283

Soo Labashada Xisbiga Waddani Iyo Dar-Dar Galin Cusub Oo Ay La Soo Labtan Hoggamiye Xirsi Oo Ila Boorma Jarmaaday Xaga Uu Cirana U Jarmaaday Dhanka Iyo Berbera

Hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayo isla mar ahaantaana ujeedka socdaalkoodu uu daaran yahay ka qeyb-galka xafladda furitaanka qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashada Madaxtooyada Somaliland oo 29, April ka billaabmaysa goballada Awdal iyo Saaxil, ayaa ay saaka hiirtii hore ay socdaal ugu baxeen magaalada Boorama ee xarunta gobalka Awdal.

Weftigan oo ay hoggaamiye Xirsi ku wehelinayaan murashaxa Madaxweyne ku xigeenka xisbigaasi Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi oo isagu hada ku sugan magaalada Boorama, xildhibbaano, xubno ka mid ah hoggaanada, siyaasiyiinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta iyo weli ba sida oo kale madax ka tirsan Xisbiga WADDANI, ayaa la filayaa in ay ku maqnaan doonaan muddo dhowr cisho ah iyaga oo sida oo kale na ka qeyb-qaadan doona siddii bulshada gobalkaas ay ugu wacyi-gelin lahaayeen qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashada Madaxtooyada Somaliland iyo weli ba sida oo kale kulamo gaar gaar ah oo ay la soo qaadan doonaan dadweynaha ku dhaqan gobalkaasi gaar ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Comments

comments