Shaxda Rasmiga Ah Ee Man City Vs Man United- Ayay Pep Guardiola Iyo Jose Mourinh Kulankan Ku Soo Bilaabeen?

110

Manchester City ayaa Etihad Stadium ku soo dhawaynaysa kooxda ay dariska yihiin isla markaana sida wayn u xifiltamaan ee Manchester United. Labada kooxood ayaa kulankan ciyaaraya iyaga oo hal dhibic oo kaliya ay Manchester City kaalinta afraad ugaga hayso sidaa daraadeed waxa ay Jose Mourinho iyo Pep Guardiola si wayn ugu dagaalamayaan sidii ay u sii xoojin lahaayeen rajada ay ka qabaan in ay Champions Leauque-ga u soo baxaan.

Tababare Guardiola ayaa goolkiisa kusoo bilaabay Claudio Bravo waxaana afarta difaaca ah ku soo wada bilawday  Zabaleta, Kompany, Otamendi iyo Kolarov waxaana khadka dhexe ku wada jira Yaya Toure iyo Fernandinho iyada iyada oo Raheem Sterling, Leroy Sane iyo De Bruyne ay ka ciyaari doonaan labada garab ee weerarka iyo caawiyaha weerarka waxaana safka weerarka hogaaminaya Sergio Aguero.

Da’yarka Gabriel Jesus ayaa kaydka ku jira laakiin waxaa kulankan seegay David Silva oo taam buuxa u noqon wayay kadib markii uu dhaawac ku soo gaadhay kulankii FA Cupka. Guardiola ayaa saddex isbadal ku sameeyay shaxdisii kulankii Arsenal.

Dhinaca Jose Mourinho waxa uu goolka ku soo bilaabay De Gea waxaana afarta difaaca ah ku jira Valencia, Bailly, Blind iyo Darmian, waxaana khadka dhexe ku soo wada bilawday  Herrera, Carrick iyo Fellani. Marcus Rashford ayaa weerarka hogaaminaya waxaana caawin doonaya  Mkhitaryan iyo Martial. Wayne Rooney ayaa ku risga kaydka ku jira.

Comments

comments

SHARE