Thierry Henry Oo Iloobay Cadaawadda North London Kana Dhawaajiyay In Hal Xidig Oo Arsenal Ah Uu Boos Ka Heli Karo Tottenham

84

Halyeeygii hore Arsenal Thierry Henry ayaa iska iloobay cadaawadda North London ee ka dhaxeysa kooxdisii hore iyo Spurs kadib markii wax laga weydiiyay hadii ay jiraan xidigo Arsenal ah oo boos ka heli kara shaxda Spurs waqtigaan.

Tottenham Hotspur haatan waxey 14-dhibcood ka sareysaa Gunners waxeyna 7-dhibcood u jirtaa hogaanka horyaalka iyadoo caawa la balansan Crystal Palace, balse Henry ayaa si indho la’aan ah u doortay in Sanchez uu yahay xiddiga kaliya ee boos ka heli kara kooxda Pochettino.

Henry oo ka qeyb galayay barmaaijka The Boots are Off ee ka baxayay Sky Sports isla markaana loogu tala galay kulanka North London Derby ayaa u sheegay Graeme Souness oo ahaa daadihiyaha barnaamijkaas inuu Sanchez kaliya yahay xidiga Arsenal ee White Hart Lane shaki la’aan boos ka heli kara.

“Wey igu adagt ahay anigoo ah qof Arsenal ah waqtigaan, balse waa inaad daacad ahaato” ayuu yiri Henry oo ka hadlayay barnaamijka The Boots are Off ee ka baxa Sky Sports.

“Kaliya waxaan hadda arkaa in Alexis Sanchez uu ka heli karo kooxdas boos iyadoon qofna dhihi karin siduu ku yimid kooxda”

“Dhamaan inta kale, waxaan filayaa iney dadka ka murmi doonaan, balse taas micnaheedu maahan in Tottenham ay si fudud guulaha ku gaarto”

Comments

comments