Garsooraha Dhex Dhexaadin Doona Finalka FA Cupka Ee Kooxaha Arsenal Iyo Chelsea Oo La Shaaciyay

Waxaa si rasmi ah loo shaaciyay garsooraha dhex dhexadin doona kulanka finalka FA Cupka ee Wembley Stadium ku dhex mari doona kooxaha ree London ee Chelsea iyo Arsenal. Kulanka finalka FA Cupka ayaa la ciyaari doonaa sabtida May 27,2017 waxaana koobkan ku guulaysan doonta koox ree London ah iyada oo Arsene Wenger uu doonayo in uu koobkan rekoodh 13 koob ah uu kooxdiisa Gunners ugu dhigo.

Laakiin Arsene Wenger ayaan jeclaysan doonin garsooraha dhex dhexaadin doona kulanka finalka FA Cupka iyada oo garsoore Anthony Taylor kaas oo sababtii Arsene Wenger loo ganaaxay kadib markii uu macalinka ree France ka cadhooday go’aano uu sameeyay.

Garsoore Anthony Taylor ayaa ah 38 sano jir ka soo jeeda Cheshire wuxuuna garsooraha afraad ka soo noqday isla finalkii FA Cupka ee sanadkii 2013kii. Anthony Taylor oo ka mid ah garsoorayaasha Premier leaque-ga wuxuuna sanadkan la kulmay eedaymo badan kadib markii uu qaladaad badan sameeyay kulankii ay Burnley guuldarada kala kulantay Swansea City.

Arsene Wenger ayaa afar kulan lagu ganaaxya markii ay isku dhaceen Anthony Taylor wuxuuna markaas warbixintii uu ka diyaariyay Wenger uu ku sheegay: “Mr Wenger waxa uu ka baxay goobta farsamada si uu aniga iigu dhaco isaga oo igu khilafay go’aano. Ka hor intii aanu waxba sheegin waxaan ku idhi: ‘ si taxadarleh uga fiirso waxa aad aniga ii sheegayso’ wuxuuna ku jawaabay: ‘ Waxaad khiyaamaynaysaa xidhiidhka kubbada cagtaada”. Wuxuuna sii raaciyay erayo aflagaado

Comments

comments

SHARE