War Deg Deg Ah: Maxkamada Ciidamada Oo Nin Kale Dil Ku Fulisay

Goob fagaare ah oo ku taal magaaladda Baydhabo ee xarunta Maamulka Koonfurta Galbeed ayaa Maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybta 60-aad waxay  dil toogasho ah ku fulisay askari ka tirsanaa booliiska oo magaalada Buurhakaba ku dilay marxuum lagu magacaabi jiray Qaasim Cabdiyoow Keerow isla markaana dhawacay labo wiil oo marxuumka uu dhalay.

Maalintii Shaley ayaa maxkamadu   waxay magaaladda Baydhabo ku toogatay afar nin oo lagu eedeeyay inay  ka danbeeyay qaraxyo ay dad ku dhibteen oo ka dhacay Baydhabo.

Comments

comments

SHARE