Somaliland: Weftigii Xisbiga WADDANI Oo Dalka Ku Soo Laabtay Iyo Guddoomiye Cirro Oo Ka Hadlay Sicir-bararka, Abaarta Iyo Muddo-kordhin Dambe

249

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdilaahi (Cirro) iyo wefti ballaadhan oo muddooyinkii dambe socdaal shaqo ugu maqnaa dalka dibaddiisa oo shalay dib u soo laabtay, ayaa si ballaadhan oo aan kala hadh lahayn ay dareen isbedel doonnimo ugu soo dhaweeyeen shacbi weynaha kala duwan ee ku dhaqan magaalada Hargeysa.

Soo dhaweynta weftigan oo ugu horreyn ay ka qeyb-qaateen mas’uuliyiinta ugu sar-sareysa Xisbigaasi, hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo weli ba sida oo kale taageerayaal baaxad weyn oo ka soo kala jeeday dhammaan ba degmooyinka caasimadda Hargeysa kuwaasi oo uu ka muuqday dareen isbedel-doonimo iyaga oo sida oo kale na muujinaayey taageerada aan kala hadhka lahayn ee ay ka shacbi ahaan u hayaan Xisbiga WADDANI, waxaana la arkaayey iyaga oo ku jeeni qaaran calanka bilicda iyo quruxda ba u saaxiibka ah ee midabkiisu sagalka yahay isla mar ahaantaana astaanta u ah Xisbiga WADDANI iyo weli ba sida oo kale erayo soo dhaweyn ah oo ku dhawaaqayeen kuwaasi oo ay ku muujinaayeen taageeraddooda cajiibka ah.

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI oo safarkan ay ku wehelinaayeen, murashaxa Madaxweyne ku xigeenka WADDANI, guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Xisbiga, hoggaamiyaha xisbigaasi, siyaasiyiin, xildhibbaano diblomaasiyiin iyo weli ba sida oo xoghayeyaal aad u tira badan, waxaana soo dhaweyntaas ka dib uu Cirro la hadlay Warbaahinta isaga oo ugu horreyn faahfaahin ka bixiyey ujeedka socdaalkoodii ay ugu maqnaayeen dalka dibaddiisa iyo weli ba sida oo kale waxyaabahii uga soo qabsoomay.

“Aad baan ugu mahad-celinayaa shacbiga Somaliland ee ay wadato dabeysha isbedelku ee sida wanaagsan u soo dhaweeyey aniga iyo weftigii ila socday ba, waxa aanu ku maqneyn safar shaqo oo aanu ku metelaynay idinka shacab ahaan, waxa aanu markii hore marti qaad ka helnay dalka Ingiriiska, gaar ahaan machad caana oo la yidhaahdo CHatham House halkaas oo ah meel lagu gorfeeyo siyaadaha dunida, waxaana uu safarkaasi uu ahaa mid guud ahaan Somaliland u soo hooyey magaca wanaagsan, waxa noo suurto-gashay in aanu safarkayaga soo marno meelo badan oo ay ka mid ahaayeen dalka Ingiriiska, xarunta EU-da ee dalka Brussels, dalka Jarmalka, dalka Uastaria, dalka Sweden, dalka Norway iyo dalka Finland ba, arrinta ugu muhiimsan ee aanu dalalkaas u mareynay waxa ay ahayd arrinta dhibta badan ee xanuunka badan ee Somaliland ka jirta ee abaaraha ah ee macaluusha ah ee xanuunka ah oo gurmadkeeda maanta iyo hadhow ba siddii wax looggu qaban lahaa. Waxa kale oo aanu kala hadleynay iskaashiga guud ee Somaliland iyo dalalkaas aanu la soo kulanay, waxa kale oo aanu fursad u helnay in aanu la kulano jaaliyadaha Somaliland oo aanu uga waranay xaaladda abaarta iyo dhammaan ba xaaladda guud ee dalka iyo madaxda Xisbiga iyo laamahiisa ba. “.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro

Dr.Cabdiraxmaan Cirro sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa si adag uga hadlay xaaladda abaareed ee dalka ka taagay isaga oo ku baaqey in si deg-dag ah looggu gurmado dadka abaarahu saameeyeen gaar ahaan dadka u dhimanaaya xanuunada shuban biyoodka ah oo uu qeylo-dhaan ka diray, waxaana uu yidhi:

“Waxa aan Ilaahay innooga baryeyaa in uu abaarta inaga saaro, in uu roob kheyr qaba ina siiyo in xanuunada ka dhashay abaaraha uu Ilaahay inaga bogsiiyo, waxaana aanu fareynaa xukuumadda Somaliland in dadkaa shacabka Somaliland ee xanuunka shubanku uu ku dhacay ee qaar dhinteen ba in ay gurmadka ugu badan ee suurto-galka ah ay ka geystaan, anagu baaqyo badan baanu ka soo jeedinay imika na waanu ku baaqeynaa oo waanu ku celinaynaa.”.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cirro, waxa sida oo uu sheegay in uu aad uga xun yahay xadhiga sharci darada ah ee loo geystay siyaasiyiin ka tirsan Xisbigaasi oo muddooyinkii dambe ku xidhnaa saldhiga dhaxe ee Hargeysa, waxaana uu sheegay in uu si aada u cambaareynaayo dhaqankaas foosha xun ee ay soo kordhisay Xukuumaddu isaga oo tilmaamay in aanay ka xisbi ahaan mar dambe aanay u dulqaadaneyn in la iska xidh xidhi siyaasiyiinta xisbigaasi.

Comments

comments