Somalia: Madaxweyne Farmaajo oo u Ambabaxay dalka Turkiga

Wafti uu hoggaaminayo  Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya  Maxamed C/laahi “Farmaajo”  ayaa u ambabaxay dalka Turkiga oo casuumad rasmi ah ka helay madaxweynaha turkiga Rejeb Dayib Erdogen

Booqashadaan oo saddex maalmood ah waxaa  Madaxweynaha ku weheliyay  mas’uuliyiin ka tirsan golaha Wasiirrada iyo Xildhibaanno, waxaana halkaasi ay kula kulmi doonaan madax kala duwan oo ka tirsan dowladda Turkiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo warbaahinta kula hadlay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Madaxda labada dowladooda ay ka wada hadli doonaan xiriirka labada dal iyo iskaashiga.

Gabagabadii, Booqashada madaxweyne farmajo ayaa noqonaysaa tii shanaad tan iyo markii loo doortay madaxweynaha Soomaaliya 8 febraayo 2017.

Comments

comments