War Deg Deg Ah: Gaadhi Uu Saarnaa Wasiirka Hawlaha Guud Ee Somaliland Oo Shil Galay

493

Gaadhi uu watay wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Somaliland ayaa shil ku galay wadada u dhaxaysa Gebiley iyo Hargeysa.

Wasiirka ayaa kasoo laabtay socdaal uu ku tegey magaalada Borame ee gobolka Awdal, halkaas oo uu dhagax dhig ku samaynaayey maktabada akhriska ee magaalada Borame.

Shilkan waxa dhaawacyo fududi kasoo gaadheen xubno la socday iyo askartii ilaalinaysay , siday shabakada Wargane u sheegeen dad xog ogaal ahi.

Wasiirka Ayaan wax dhib ahi soo gaadhin, marka laga reebo xubnahaasi la socday ee dhaawacyada fududi soo gaadheen.

Gaadhiga wasiirka ayaa wararku sheegayaan inuu galay gaadhi kale , kaas oo keenay dhawacyadaasi iyo shilka dhacay.

Wadada u dhaxaysa Hargeysa iyo Gebiley ayaa ah mid aad u dhib badan, iyada oo ay ka dhacaan shilalka ugu badani, waana wadada labaad ee ugu dhimashada badan shilalka marka laga yimaado wadada isku xidha Hargeysa iyo Berbera ilaa Berbera iyo Burco.

Comments

comments