Arsene Wenger Oo Jamaahiirta Arsenal U Sheegay In Alexis Sanchez Uu Emirates Stadium Sii Joogi Doono Xilli Ciyaareedka Danbe

54

Arsene Wenger ayaa amaanay geesigiisa FA Cup Alexis Sanchez, waxaana uu sheegay inuu sii joogi doono Arsenal xilli ciyaareedka soo socda.

Xiddiga reer Chile ayaa la filayaa inay saxiixiisa ku dagaalamaan kooxaha ugu waa weyn Yurub xagaaga iyadoo Manchester City ay hogaamineyso ceyrsashadiisa.

Laakiin tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa sheegay in Sanchez uu sii joogi doona Arsenal sannadka ugu danbeeya qandaraaskiisa, waxaana uu xitaa carabka ku dhuftay in laga yaabo inuu qandaraas kale u saxiixo Gunners.

Ka dib markii xiddigii hore ee Barcelona uu u xaqiijiyay Arsenal inay finalka FA Cup la ciyaari doonaan Arsenal ka dib markii uu ku hogaamiyay guul 2-1 oo ay ka gaareen Man City, waxa uu amaan weyn kala kulmay tababarihiisa.

Wenger ayaa yiri: “Alexis Sanchez waxa uu ahaa sida kooxda, waxa uu qabay dhibaatooyin bilowgii ka dibna waxa uu noqday mid ka sii xoog badan sidii hore.

“Waa sida xaywaan diyaar u ah inuu dilo waxa ka soo horjeeda. Marnaba lagama yaabo inuu quusto.

“Waxa uu sii joogi doonaa halkaan sannadka soo socda sababtoo ah qandaraas ayuu nagula jiraa, waxaana rajeyneynaa inaan ku guuleysano inuu qandaraaskaas inoo kordhiyo.”

Comments

comments

SHARE