Somalia: Qarax Lala Beegsaday Ciidamada Maamulka Puntland ee Ka Dagaalamaya Buuraleyda Galgala

Wararka naga soo gaaraya Degaanka Galgala ee gobalka Barri ee Puntland aya la sheegaya in qarax lala beegsaday mid kamid ah baabuurta dagaalka ee ciidamada Maamulka Puntland oo marayey mid kamid ah wadooyinka magaalada Galgala.

Wararka ka soo baxaya qaraxan ayaa sheegaya in ilaa hadda la xaqiijiyey in uu khasaare soo gaaray ciidamada Maamulkaasi Puntland, ilaa haddana faahfaahin dheeraad ah ma jirto.

Saraakiisha ciidamada Maamulka Puntland oo saxaafado la xiriirtay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan qaraxan, waxayna sheegeen in ay war ka soo saari doonaan.

Comments

comments

SHARE