Arsenal vs Manchester City – Gunners & Citizens Kooxdee Finalka FA Cup-ka Kula Midoobi Doonta Chelsea?

99

Arsenal ayaa ah kooxda martida loo yahay waxaana la joogaa garoonka Wembley oo ay labada kooxba iska laheyn balse sharci ahaan Gunners ayuu minankeeda yahay, sidoo kalana Arsene Wenger wuxuu rajeynayaa inuu tiigsado finalka tartanka una hanqal taago inuu ku guuleysto markii sadexaad afartii sano ee lasoo dhaafay.

Pep Guardiola wali wuxuu ku haminayaa inuu koob u qaado Manchester City, waana koobka kaliya ee uu hamiga ka leeyahay madama horyaalka uusan niyad wanaagsan ka laheyn sidoo kalana goor hore laga reebay Champions League.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Arsenal vs Manchester City

Tartanka: Semi Finalka (FA Cup)

Garoonka: Wembley Stadium – London

Saacadda: 7:00 Fiidnimo (XGA)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Arsenal ayaa la dhibtoon doonta dhaawacyada ay ku weyneyso Lucas Perez iyo Mustafi, sidoo kalana Gunners waxaa ka maqan Danny Welbeck, David Ospina iyo Santi Cazorla kuwaas oo dhaawacyo kala duwan ay haleeleen.

Dhanka kale Jesus ayaa kasoo laabanaya dhaawac, balse John Stone ayeysan suuragal aheyn inuu ciyaaro kulanka, sidoo kale xitaa waxaa shaki la galinayaa kulanka Manchester Derby ee dhamaadka todobaadkaan.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankaan waa kii 29-aad ee ay labadaan kooxood isku arkaan semi finalka FA Cup, waana labada kooxood ee ugu badan ee isku arkay heerkaan taariikhda.

Waxeyna ku wada guuleysteen min 12-jeer iyagoo rikoorka ugu badan la wadaagay Manchester United.

Mancheste City ayaa ka gudubtay marxaladaan sideedii jeer ee ugu dambeysay, markii ugu dambeysay waxey aheyd 2013 kulan ay ka hor tageen Chelsea, guuldaradii ugu dambeysay ee heerkaan waxey kasoo gaartay Arsenal 1932.

Pep Guardiola ayaa taariikhda markii labaad ku ciyaaraya Wembley isagoo tababare ah, markii ugu horeysay isagoo Barcelona wata ayuu 2011 koobka Champions League ka qaaday Manchester United. sidoo kalana isagoo ciyaariyahan ah wuxuu ku qaaday koobka European Cup 1992.

Alexis Sanchez ayaa dhaliyay 4-gool, shan kulan oo uu ku ciyaaray garoonka Wembley, 3-Arsenal ayuu u dhaliyay, 2-na Chile ayuu u dhaliyay).

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Arsenal:

Cech; Gabriel, Koscielny, Holding; Oxlade-Chamberlain, Ramsey, Xhaka, Monreal; Ozil, Sanchez; Giroud

Manchester City:

Bravo; Navas, Otamendi, Kompany, Clichy; Fernandinho; Sane, Silva, De Bruyne, Sterling; Aguero

Comments

comments