Gudida diwaangalinta ururada siyaasiga ah ayaa waxaa ay go,aan ka
soo saareen dacwad uu dhawaan xisbiga UCID u gibiyey taas oo ka dhan aheyd maayaro iyo xildhibaano dhawaan ku biiray xisbiga Kulmiye

Masuulyiinta xisbiga UCID ayaa waxaa ay bulshada u cadeyeen in gudida Diwaangalintu ay ku war galiyeen in kiiska dacwadan aaney awood u laheyn in ay ka garnaqaaan , Isla markaana waxaa ay ganafka ku dhufteen go,aankaas
Sidoo kale waxaa uu xisbiga UCID Oo Ku Hanjabey In gabi ahaanba uu ka bixi doono tartanka doorashada dalkan , waxaana ay dhinaca kale canbaareeyeen xadhiga ay xukuumadu u geysatey masuulyiin ka tirsan xisbiga Waddani

Comments

comments