Somalia: Maxkamadda Ciidamada Somalia Oo Dil Toogasho Ku Fulisay Askari Dilay Qof Shacab Ah

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliya ayaa dil toogasho ku fulisay Askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska, kaasoo qof shacab ah horay u dilay.

Askariga dilka toogasho lagu fuliyay ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Cabdi Maadeey, kaasoo bishii May ee sanadkii 2016 ku dilay degmada Afgooye Qof shacab ah oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cali Cabdalle.
Xeer Ilaalinta Maxkamadda ayaa ku heshay askarigan dambiga dilka, iyadoo Maxkamadda la horgeeyay cadeymo.

Fulinta xukunka dilkan ayaa ka saaka ka dhacay Fagaaraha School Polizio, halkaasoo goobjoog ay ka ahaayeen Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad.

Comments

comments

SHARE