Somalia: Kenya oo sheegtey in ay dileen dagaalyahano badan oo al-Shabaab ah

63
Al Shabab fighters train outside Mogadishu in 2011. The U.S. has increased operations against the group, bombing a militant training camp in March. The Pentagon said the strike killed over 150 militants. MOHAMED SHEIKH NOR/ASSOCIATED PRESS

War ka soo baxay taliska ciidanka KDF ee dalka Kenya ayaa sheegaya in ay dileen 52 ka mid ahaaa ururka al-Shabaab.

KDF ayaa sheeganaysa in ay gacanta ku dhigeen hub iyo rasaas aad u badan, ayna burburiyeen saldhig al-Shabaabku lahaayeen deegaanka Badhaadhe ee Jubada Hoose.

Waxa lagu sheegay war saxaafadeedka in hawlgalku ka dambeeyey markii ay ogaadeen in goobtaasi ay isku urursanayeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Dad ku dhaw deegaanka Badhaadhe ayaa sheegaya in ay arkayeen diyaaradaha qumaatiga u kaca oo duqeynaya deegaan lagu magacaabo Sangaabo oo ku dhaw Badhaadhe.

Ma jiro wax war ah oo ka soo abxay al-Shabaab oo ay ku beeninayaan weerarkan.

Kenya waxaa Soomaaliya ka jooga kumaankun askeri o ku jooga magaca AMISOM, waxaana ay ka hawlgalaan gobolada Jubada Hoose iyo Gedo.

Comments

comments

SHARE