Somalia: Dadka Imaaraadka oo 6 saac Soomaaliya ugu uruurshey 44milyan oo Dollar

140

Barnaamij si toos ah uga baxaayey telefishanada iyo Raadiyaasha Imaaraadka carabta muddo 6 saacadood ah kaas oo loogu magacdarey Somalia for You ayaa loogu ururshey dadka abaartu saameysey ee Soomaaliya lacag gaareysa 165 Milyan oo dirham oo dhganta 45 Miyan oo dollarka Maraykanka ah.

Lacagta ugu badan waxaa ku deeqay Mohammed Bin Rashid Humanitarian Foundation oo bixiyey Dhs3 Milyan.

Lacagtan ayaa lagu wareejinayaa hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka carabta si ay u gaarsiiso dadka baahan ee Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta iyo hanuuninta Soomaaliya Eng. Cabdiraxmaan yariisow ayaa sheegay in Dowladda iyo dadka Imaaraadku ay yihiin saaxiib dhaw iyo walaal la isku haleyn karo waxaana uu uga mahad celiyey taageerada joogtada ah.

Comments

comments