Luka Modric Oo Rajeynaya Inuu U Tacsiyeeyo Saaxiibkiisa Qaranka Croatia Ivan Rakitic Kadib Kulanka El-Clasico.

Kubad sameeyaha Real Madrid Luka Modric ayaa rajeynaya inuu u tacsiyeeyo saaxiibkiisa qaranka Croatia Ivan Rakitic kadib dhamaadka kulanka El-Clasico ee berito ka dhici doona garoonka Santiago bernabeu.

Real Madrid ayaa soo dhaweyn doonta Barcelona xilli ay 3-dhibcood oo kaliya ka sareeyaan dhanka hogaanka La Liga walow Los Blancos ay kulan baaqi ah gacanta ku heysataan.

Modric wali kuma guuleysan La Liga tan iyo markii uu kusoo biiray 2012, wuxuuna ku fakaryaa inuu xili ciyaareedkaan soo afjaro dhibta heysata oo dhan.

“Lama hadlin Ivan, dhamaanteen waxaa si nbad ah isugu diyaarineynaa kulanka” Ayuu yiri Luka Modric oo la hadlayay Sportske novosti.

“Hab ayaan isi siin doonaa, waana wada hadli doonaa kadib dhamaadka ciyaarta, waxaan rajeynayaa inaan u tacsiyeeyo isaga” Ayuu yiri Luka.

“Waligeen ma helin tikid nagu filan kulanka El-Clasico, qof walba wuxuu doonayaa inuu yimaado si uu u daawado kulankaan”

Dhanka kale Luka Modric ayaa ku tilmaamay maqnaashiyaha Neymar mid hoos u dhigaya kooxda Barcelona.

“Waa dhibaato weyn inuusan u ciyaarin Neymar, balse waa inaan eegno nafteena”

“Horyaalka La Liga waa kan kaliya oo aan la qaadin Real Madrid, waxaan aaminsanahay inuu waqtigaan imaan doono”

Comments

comments

SHARE