Gareth Bale Taam Buuxa U Ah Kulanka El-Clasico & Liiska 20-ka Ciyaartoy Ee Uu Zidane Ka Horgeyn Doono Barcelona.

Gareth Bale ayaa dib ugu soo laabtay Real Madrid iyadoo lagu daray liiska ciyaartoyda Madrid ee wajahaya Barcelona kulanka El-Clasico ee habeen dambe ka dhici doona Santiago Bernabeu.

Gareth Bale ayaa seegay kulankii waqtiga dheeriga ah u baahday ee ay kooxdiisa ka taqalustay Bayern Munich iyadoo ay xusid mudan tahay inuu ku waxyeeloobay kulankii lugta hore.

27-jirkaan ayaa tababar buuxa qaatay jimcadii, wuxuuna taam buuxa u yahay inuu wajaho Barcelona kulanka habeen dambe sida uu xaqiijiyay tababare Zidane.

“Bale wuu naga mid yahay berito” Ayuu yiri Zidane. “Kadib waad arki doontaan hadii uu kusoo bilowdo iyo hadii kale”

LIISKA OO DHAMEYSTIRAN:

Goolhayeyaasha: Navas, Casilla and Yáñez.

Daafacyada: Carvajal, Ramos, Nacho, Marcelo and Danilo.

Khadka Dhexe: Kroos, James, Casemiro, Kovacic, Modric, Asensio and Isco.

Weerarka: Cristiano Ronaldo, Benzema, Bale, Lucas Vázquez and Morata.

Comments

comments

SHARE