Chelsea vs Tottenham: London Derby Ciyaarta Caawe ee Xiisaha Leh Kooxda Tagii Doonta Fainalka FA Cup

Chelsea iyo Tottenham Hotspur ayaa isku qaabili doona caawa garoonka Wembley ee ku yaala London, waa garoon u dhex-dhexaad ah labada kooxood waxaana midood ay tiigsan doontaa finalka tartanka FA Cup-ka.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Chelsea vs Tottenham

Tartanka: FA Cup (Semi Final)

Garoonka: Wembley Stadium

Saacadda: 7:15 Fiidnimo (XGA)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Chelsea ayaa rajeyneysa iney dib u hesho Thibaut Courtois iyo Marcos Alonso kuwaas oo seegay guuldaradii todobaadkii hore kasoo gaartay Manchester United, Gary Cahill ayaana loo badinayaa inuu xanuun ku seegi doono kulanka London Derby.

Dhanak Spurs Harry Winks, Danny Rose, iyo Erik Lamela ayaan kasoo muuqan doonin kuwaas oo dhaawacyo la ildaran.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

The Blues ayaa kaliya lumisay hal jeer shantii Semi final ee ugu dambeysay koobka FA Cup-ka, waxeyna kulankaas ku hor qasaartay Manchester City 2013.

Tottenham Hotspur ayaa guuldaro la kulantay lixdii jeer ee ugu dambeysay oo ay kasoo muuqato semi finalka FA Cup (1993, 1995, 1999, 2001, 2010 iyo 2012), hadii ay kulanka caawa guuldareystaan rikoor cusub ayey dhigi doonaan, Chelsea ayaa si la mid ah Spurs lix jeer oo xiriir ah semi finalka ku qasaartay intii u dhaxeysay 1920 ilaa 1966.

Markii ugu dambeysay oo ay labadaan kooxood ku kulmaan tartankaan waxey aheyd 2012 isla wareegaan Chelsea ayaana 5-1 ku xaaqday Spurs.

Dhamaan tartamada oo dhan Spurs ayaa badisay kaliya laba jeer, 16-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la kulantay Chelsea, 7-barbardhac iyo 7-guuldaro ayey heysataa, kulankii ugu dambeeyay 2-0 ayey ku badiyeen.

Waa markii afaraad oo ay labadaan kooxood ku kulmayaan Wembley kadib dib u habeyntii lagu sameeyay, waana kulanka ugu badan ee lagu ciyaaray Wembley tan iyo markii dib loo furay 2007 (Chelsea iyo Man United sidoo kale afar jeer lagu ciyaaray).

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Chelsea:

Courtois; Zouma, Luiz, Azpilicueta; M.Alonso, Matic, Kante, Moses; Hazard, Costa, Pedro

Tottenham:

Lloris; Dier, Alderweireld, Vertonghen; Walker, Davies, Dembelè, Wanyama; Eriksen, Alli; Kane

 

Comments

comments

SHARE