Arsenal Ma Hali Doonta Badlka Mesut Ozil ? Balse Waa Kuma ?

188

Arsenal ayaa dagaal badan u galeysa sidii ay ku heli laheyd badalka xidigooda reer Jarmal Mesut Ozil kaas oo aan wali heshiiska u kordhin, waxeyna markaan badalkiisa ka heshay horyaalka La Liga sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya dalka Ingiriiska.

Jariiradda The Sun oo xiganeysa CNN Turk ayaa qortay in Arsenal ay markaan diirada saareyso sidii ay ku heli laheyd Arda Turan oo ku dhibaateysan magaalada Barcelona.

Ciyaariyahankii hore kooxda Atletico Madrid ayaan dooqa koowaad ka aheyn garoonka Camp Nou, balse Gunners ayaa u aragta inuu buuxin karo booska Ozil oo la dareensan yahay inuusan kusii nagaan doonin Emirates Stadium.

Sida warbixinta lagu sheegay Barcelona ma diidi doonto hadii Arsenal ay xidigaan kasoo gudbiso dalab dhan 25 Malyan oo Pound waana qiimo jaban marka loo eego asaagiisa kale ee qaaradda yurub.

Arsene Wenger ayaa dajin doona qorshahiisa suuqa kala iibsiga xagaaga marka uu dhamaado xilli ciyaareedkaan iyadoo la fahansan yahay inuu ugu yaraan kooxda ka xoojin doono boosas badan.

Comments

comments