Dooni Kalluumaysi oo ka baxday Xeebta Berbera, ayaa la sheegay inay ku degtay deegaan u dhexeeya Ceel-daraad iyo Berbera.

Doonidan oo ay wateen Lix Nin oo Kalluumaysato ah, ayaa ku degtay Biyaha Badda ee u dhexeeya Deegaanka Ceel-daraad iyo Berbera waxaana la helay Laba Nin oo ka mid ahaa Lixdkii Kalluumayste, halka illaa hadda aan Raq iyo Ruux aan la haynin Afartii Qof ee kale iyo Doontii.

Sidaana waxa Warbaahinta u xaqiijiyey Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Cali Jaamac Faarax (Buureed).

Comments

comments

SHARE