Somalia: Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Afrika oo soo gaaray Muqdisho

85

Madaxweynaha cusub ee xiriirka kubadda cagta qaaradda Afrika (CAF) Axmed Axmed ayaa maanta soo gaaray Caasimadda Soomaaliya Muqdisho,  waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraaha khadiijo Maxamed Diiriye, Guddoomiyaha xiriirka K/cagta Soomaaliya Cabdiqani Siciid Carab.

57-sanno jirka dhawaan loo doortay inuu hoggaamiyo xiriirka kubbadda cagta qaaradda Afrika waxaa lagu waddaa inuu soo kormeero goobbo muhiim u ah cayaaraha sida Garoomada Cayaaraha ee ku yaalla dalka.

booqashadan waxay noqonaysaa  mid taariikhi ah, waxayna  u gogol xaareysaa booqashadda madaxweynaha FIFA oo isna lagu waddo inuu yimaado Soomaaliya bilaha soo socdo, iyadoo ay noqonayso markii u horraysay muddo ku dhow 30 sanno oo madax ka socoto xiriirka kubadda cagta ee afrika uu yimaado Soomaaliya

Gabagabadii, Mr:- Axmed Axmed oo u dhashay Madagascar, ayaa la doortay 16-kii bishii hore, waxanna uu helay codad gaaraayo 34 halka Ciisa Xayaatu oo xilkaasi horay u hayay oo la tartamayay uu helay isna codad dhan 20.

Comments

comments

SHARE