Madaxwene Erdogan Oo Ku Guulaystay Aftidii Ka Dhacday Dalka Turkiga

87

Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogen ayaa sheegay in xisbigiisu ku guulaystay aftidii dadweyne ee ka dhacday dalkaasii oo lagu bedelayo dastuurka dalkaasi, si awood dheeraad ah loo siiyo madaxweynaha.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada ee  aftida Sadi Guven ayaa sheegay  in qolooyinkii u ololaynayay  HAA ay ku guuleystay aftidii, oo ay heleen 51.37% halka xisbiyadda mucaaradka  ay codadkii la tiriyay ay ka heleen boqolkiiba 48.63 guud ahaan codadkii la dhiibtay,

 Madaxweynaha Turkiga  Erdogan  ayaa soo dhaweeyeyay natiijada, isagoo sheeegay in cod aqlabiyad ah  uu ku guulaystay barnaamijkiisii uu wax kaga bedelayay dastuurka

” Waxaa na soo weeraray wadamo kale oo aduunka ah, waad aragteen sida reer galbeedku noo soo weerareen” sidaa waxaa yiri madaxweyen Erdogan oo taageerayaashiisa kula hadlay magaaladda Istanbul.

Gabagabadii, Isbedelka lagu samaynayo Dastuurka wuxuu dhaqan gali doonaa doorashada 2019ka, iyadoo Guusha   Madaxweynaha Turkigu  ee aftidan ay awood u siin doonto inuu soo dhiso gollaha wasiiradda, kala diri karo barlamaanka, ku dhawaaqi karo Xaalad deg deg ah, waxaa kaloo uu isbedelkan uu u ogolaanaya madaxweynaha in xilka sii hayn karo ilaa 2029ka.

Comments

comments

SOURCESomalilandtoday
SHARE