Karim Benzema Muxuu Ka Yiri Wararka Kooxdiisa Real Madrid La Xiriirinaya Eden Hazard?

Weeraryahanka Real Madrid Karim Benzema ayaa aaminsan in dhaqaaqa ay kooxdiisa u sameyneyso ciyaariyahanka Chelsea Eden Hazard ay tahay talaabo wanaagsan isla markaana xidigaan herka caalami ee qaranka Belgium uu saxiix wacan u noqon lahaa kooxda difaacaneysa koobka horyaalada yurub.

Hazard ayaa si daran loola xiriirinayaa kooxda Real Madrid xilli xidigaan uu kooxdiisa ka saaciday iney noqoto midda ugu sareysa horyaalka Premier League oo haatan maraya waqtiyadiisii ugu dambeeyay.

Si kastaba xidigii hore Lille ayaa dhaliyay 14-gool sidoo kalana wuxuu caawiyay 5-gool kulamada horyaalka, Los Blancos ayaana dooneysa iney bangiga u jabiso xagaaga soo aadan.

“Hazard waa ciyaariyahan aad u fiican, Maxaan dhihi karaa?” Ayuu Benzema u sheegay Telefoot.

“Ma aanan arkin wararka xanta ah, balse sida iska cad wuxuu noqon karaa saxiix fiican” Ayuu mar kale yiri xidigii hore Lyon.

Real Madrid haatan waa kooxda ugu sareysa La Liga iyadoo 3-dhibcood ka sareysa Barcelona kuna darso iney kulan baaqi ah heysato.

Comments

comments

SHARE