“Isagu Ma Ahan Roberto Carlos” Gary Neville Oo Su’aal Ka Keenay Sida Ay Chelsea Ugu Dhibtootay Marcos Alonso.

Falanqeeyaha heerka sare ee Sky Sports Gary Neville ayaa su’aal ka keenay nuglaanta ay Chelsea u nugushahay dhibaatada marka lagu qasbo iney isticmaasho qeyb ka mid ah ciyaartoyda kooxda.

Blues ayaa weysay Marcos Alonso oo dhaawac uu soo gaaray intii lagu jiray iskulul-leynta kulankii ay 2-0 guuldaro ah ka heleen Manchester United, maqnaashahiisa ayaana u muuqda in kooxda aysan aheyn mid miisaaman.

Neville ayaa shaaca ka qaaday in kooxaha waaweyn oo dhan ay waayeen ciyaartoy, balse Chelsea ay ku fashilantay iney is hagaajiso marka ay waayeen daafacooda bidix waana walaaca laga qabo kooxda Antonio Conte.

Isagoo fadhiya xarunta Sky Sports ayuu yiri Gary: “Hadii ay lumiyaan Hazard iyo Costa isla markaana imaatinkodoa uu guuldareysto waxaan dhihi lahaa waa cadaalad ku filan”

“Waxey lumiyeen Alonso, waa kuwa ugu dambeyntii muujiya iney lumiyeen daafac bidix, waa daafac bidix oo hufan, balse maahan Roberto Carlos, waxaan dhihi karnaa in xaqiiqdii ay kala jabeen”

“La’aantiis waxey sameeyeen isku dheeli tir la’aan, wax shaki ah lama galin karo arinkaas”

Comments

comments

SHARE