Somaliland: Maxa Ku Cusub Guddida Doorashooyinka Oo Si Deg Deg Ah Iskugu Yaadhay Saddexda Xisbi Qaran

464

Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa waxaa ay maanta kulan la yeesheen saddexda xisbi qaran,

Kominshan ayaa waxaa ay saddexda xisbi u soo bandhigeen hawlaha kaadhbixinta ka bilaabmi doonta Gobolada Awdal, Saaxil iyo 12ka goobood ee xeebaha Gobolka sanaag dhamaadka bishan.

Guddida doorashooyinka ayaa waxaa ay u kala bixi doonan maalinta bari ah labada Gobol ee Awdal iyo Saaxil waxaana ay komishanku u soo gudbiyeen saddexda xisbi qaran sida ay hawshu u bilaabmayso iyo gobal kasta xubnaha Guddida ee ku qoran ama ka hawl gali doona.

Gabagabadii Waxa ay saddexda xisbi qaran ku amaaneen guddida doorashooyinka habsami u socodka hawlaha kaadh bixinta iyo abaabulkooda. Sidoo kalana waxay saddexda Xisbi Qaran la qaateen Kominshanka dhamaan hawlihii ay guddidu u soo bandhigeen.

Comments

comments