Somaliland: Guddoomiyaha KULMIYE oo Magacaabay Guddoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga ee Gobolka Gabiley

86

Ref. No: XK/XGX/0042253/2017 April 15th, 2017

Ku: Kaltuun Haaruun Maxamed = Gabiley =
Og: Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Gobolka Gabiley = Gabiley =

Og: Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE = Hargiesa =

Ujeeddo: Magacaabista Guddoomiyaha Garabka Haweenka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Gabiley.

Kadib markii aan arkay muhiimadda dhismaha Garabka Haweenka Gobolka Gabiley ee xisbiga KULMIYE u leeyahay abaabulka haweenka xisbiga, waxa maanta oo ay bishu tahay April 15th, 2017 loo magacaabay xubinta hoos ku qoran in ay noqoto Guddoomiyaha Garabka Haweenka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Gabiley.

– Kaltuun Haaruun Maxamed – In maanta laga bilaabo ay ahaato Guddoomiyaha Garabka Haweenka Gobolka Gabiley ee xisbiga KULMIYE.

Waxa aan u rajaynayaa marwadda magaceedu kor ku xusan yahay in Alle ku asturo, kuna guuleeyo gudashada masuuliyadda ka dhalanaysa xilkeeda heer Gobol ee xisbiga KULMIYE.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
______________________________________________

Comments

comments