Somaliland: Maxay Ku Soo Dhamaadan Wada-Hadaladii Somaliland Iyo Maamulka Khaatumo

308

Magaalada Caynaba ee xarunta gobalka Saraar waxaa habeenkii xalay ahaa yimid madaxweynaha maamulka Khaatumo cali Khaliif Galeydh iyo wafti uu hogaaminaayo

Horjooge Cali Khaliif ayaa waxaa uu isla xalay ilaa saaka kulan albaabadu u xidhan yahiin kula yeeshay Guri ka soo hor jeeda Hotelka Isha Caynaba wafti ka socdey xukuumada Somaliland oo uu hogaaminaayo wasiirka wasaarada madaxtooyadu muddane Maxamuud Xaashi Cabdi.

Waftigan ka socdey xukuumada Somaliland waxaa ka mid ahaa1.Wasiirka madaxtooyada 2.Wasiirka Biyaha 3.Wasiirka Arimaha Gudaha 4.Wasiir Dawlaha Waxbarashada 5.Taliyaha ciidanka Qaranka 6. Wasiirka wasaarada Caafimaadka iyo masuullyiin kale

Sidoo kale dhinaca maamulka Khaatumo waxaa la sheegay in madaxweyne Cali Khaliif ay ku wehelinayeen masuulyiin uu ka mid yahay gudoomiyaha baarlamaanka maamulkaas.

Ilaa hada si rasmi ah uma cada waxyaabaha ay ka wada hadaleen labadan dhinac balse xogo ay ilaysnews.com helayso waxaa ay sheegen in kulankani dabo socdey kulamadii hore ee dhex maray Somaliland iyo Khaatumo isla markaana lagu dhameys tiraayey qodobo lagu heshiiyey oo aan saxaafada loo soo bandhigin

Dhinca kale kulankan ayaa waxaa la sheegay in lagu dhameeyey xurguf siyaasadeed oo dhex taalay Cali Khaliif iyo Wasiir Xaglo Toosiye isla markaana gacanta la isku saarey

Ugu Danbeyn Waftigii xukuumada Somaliland ka socdey ayaa magaalada Caynaba u sii dhaafey magaalada Laascanood si ay u dhex dhexaadiyaan laba beelood oo dhawaan halkaasi dagaal ku dhex maray halka waftigii hogaamiye Cali Khaliifna u kaceen dhinaca magaalada Widh Widh

Comments

comments