Somaliland: “Hotelka Marwada Wallahi Aniga Ayaa Dilaalay, Haddii Uu Xaaran Yahay Beri Hore Ayuu Dhamaan Lahaa” Xildhibaan Nac-nac

347

Xildhibaan Axmed Diiriye Nac-nac oo ka mid ah golaha wakiilada Somaliland gaar ahaana xisbiga KULMIYE ayaa Marwada koowaad ee qaranka Marwo Aamina Waris Sheekh Maxamuud Jirde ka difaacay eedaha loo jeediyey ee la xidhiidhay inay hantidii qaranka ka dhisatay hotelka wayn ee Ali Jirde ee iminka dayactirkiisu gaba-gabada ku dhaw yahay.

Xildhibaan Nac-nac ayaa sheegay inuu isagu dilaal ka ahaa dhulkii lagu dhisay hotelka isla markaana uu markhaati ka yahay inaan xoolaha dawladda laga dhisin, waxaana uu umadda Somaliland u soo jeediyey inaan la isku dembaabin malaha xuna la iska daayo, isagoo arrimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi:

“Hudheelkaas waan garanayaa 11 sano ayuu socday, markii la bilaabayay waan ogaa dhul ban u soo iibiyey ilaahay halaga baqo wallahi dhulkaas (dhulka lagu dhisay) waan dilaalay oo aniga ayaa la ii diray oo soo iibiyey, haddii ay xaaraan tahay lix bilood ayuu ku dhamaan lahaa markaa dadka waxooda yaynaan ka xaaraantimaynin inaguna yaynaan isku denbaabin waar caruurteeda ayaa soo dhistay oo mushaharadooda ayay ku dhisaan”.

Inkastoo Hotelka Cali Jirde uu ka mid ahaa hantida qoyska Marwada hadana waxaa la isku khilaafsan yahay dib u dhiska balaadhan ee ay ku samaysay muddooyinkii u dambeeyey iyadoo ay xisbiyada mucaaridka ahi daliishanayaan inaan marwada iyo Madaxwaynuhu toona ganacsi gelin karin mudada ay xilka hayaan.

Comments

comments