Somaliland: Wasiirka Maaliyadda Oo Deeq Raashin Ah Gaadhsiisay Dad Danyar Ah Oo Ku Sugan Degmada Daara-Salaam

88

Weft ay hoggaaminayso Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ay ka mid yihiin Badhasaabka Gobolka Maroodi-Jeex Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale), Sheekh Maxamed Aadan oo ka mid ah guddida abaaraha ee heer qaran, maamulka degmada Daara-salaam iyo xubno haween qurbo-joog ah, ayaa Shalay deeq raashin ah gaadhsiiyey dad danyar ah oo ku sugan degmada Daara-salaam ee waqooyiga Magaalada Hargeysa, kuwaas oo ay iskugu jiray dadka Deegaankaasi Rigliga ku ah iyo in ka badan 150 qoys oo ka soo hayaamay deegaano bariga iyo hawdka Somaliland ka mid ah oo muddooyinkii u danbeeyey halkaasi deganaa.

Ugu horayn waxa halkaas ka hadlay haydh-tuulaha Ilinta-dhexe Cabdiraxmaan Qodax, xoghayaha degmada Fu’aad Sheekh Ibraahim Kooshin, Guddoomiyaha  degmadaas Cabdikariin Cali Maxamed, waxayna dhammaantood ka warbixiyeen xaaladda nololeed ee dadka deegaankaasi ku sugan, iyadoo sidoo kalena farriin u diray Ganacsadata iyo guud ahaan shacbiga dalka oo ay ka codsadeen inay gurmad la soo gaadhaan dadkaas abaaruhu saameeyeen.

Sidoo kale, waxa isaguna halkaasi ka hadlay Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex Cabdilaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale), waxaanu bogaadiyey dadka deegaankaas oo uu ku amaanay sida ay u soo dhaweeyaan dadka ka soo hayaamay deegaamada kale ee dalka, waxaanu sheegay inay wax kasta oo karaankooda ah ka Xukuumad ahaan la qaban doonaan.

Waxa isaguna halkaasi hadallo iskugu jira dardaaran iyo duco ka jeediyey Sheekh Maxamed Aadan oo ka mid ah guddida abaaraha ee heer qaranka, kaas oo ka warbixiyey xajmiga abaarta dalka ka jirta, isagoo Ilaahay uga baryey inuu raxmaddiisa u shubo, isagoo Dadka Deegaankaasna kula dardaarmay inay soo dhaweeyaan Dadka Abaaruhu hayaan ee kaga soo hayaamaya Gobollada bariga Somaliland.

Ugu Dambaynna,  Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan halkaa ka jeedisay Hadal kooban oo ku taxaluqa Ujeeddada socdaalka Weftiga ay hoggaaminayso ayaa tidhi “Waxaan u mahadnaqayaa maamulka degmada iyo guddida abaaraha ee heer degmo iyo heer qaranba oo iyagu si hagar la’aan ah noola shaqeeya, kuwaas oo diyaar u ah duruuf kasta oo la soo gudboonaata inay ugu adeegaan dadkooda abaaruhu hayaan”. Wasiir Samsam iyada oo hadalkeeda sii wata waxay intaas raacisay “Waxaan bulshada deegaanka ka codsanayaa oo aan ugu baaqayaa inay soo dhaweeyaan dadka abaaraha kasoo hayaamay ee ka yimid deegaanada kale ee Somaliland, kuwaas  oo imika deegaanka Daara-salaam intaanu ognahay ay ku sugan yihiin in ka badan 150 qoys, isla markaana xoolahoodii ka baxeen. Reer Daara-salaam waxaan leeyahay sidii gobonimada lahayd ee reer Gabiley u soo dhaweeyeen Walaalihiina abaaraha kasoo hayaamay oo sida reer Gabiley oo kale ayaa la idinka filayaa ee soo dhaweeya Walaalihiin, waxaan imika soo maray meelihii dadku inay degaan loo diiday ee xoolaha laga ooday oo aanu roob ka di’in iyo deegaankii dadka soo dhaweeyey oo Ilaahay qaboojiyey roobna helay, markaa halkaa waxaad ka garan kartaan marka aad isku naxariisataan sida uu Ilaahay idiinku naxariisanayo”.

Dhinaca kale, xubno ka mid ah haweenka qurbo-jooga ah ee reer Hargeysa ayaa iyagu dalal kala duwan kasoo diray lacag qadarkeedu dhan yahay 4,830 doollar, isla-markaana soo wakiishay Marwo Ardo oo iyadu ku wareejiyey Sheekh Maxamed Aadan, lacagtaas oo ay ugu talo-galeen inay kaga qayb-qaataan abaaraha dalka ka taagan.

Comments

comments