Somaliland: Mudaharaad Hadda Ka Istaadhmay Afaafka Hore Ee Hudheelka Marwada Madaxwaynaha Somaliland Marwo Aamina Waris

1193

Waxa hadda gudaha magaalada Hargeysa gaar ahaana afaafka hore ee hudheelka marwada Madaxwaynaha Somaliland Marwo Aamina Waris ka dhisanayso magaalada Hargeysa ka bilaabmay mudaharaad xoogan.

Waxaana mudaharaadkan saaka dhigaya dadkii lahaa guryihii iyo goobihii Ganacsi ee saaka gaydhadhkooda uu maayarka Caasimada Hargeysa Cagafta galiyey ee uu dumiyey kuwaas oo ka agdhaw isla markaana ku dhagsan hudheelka ay marwada madaxwaynuhu ka dhisanayso magaalada hargysa ee u dhaw agagaarka xarunta ciidamada Dab-damiska Somaliland laguna magacaabo Ca Jirde Hotel.

Waxaana mudaharaadkani uu ka dhashay kadib markii uu saaka subaxii hore maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco oo wata ciidamo tiro badan iyo gaadiid cagaf cagaf ah uu galiyey isla markaana uu dumiyey dhamaan gaydhadhka guryihii iyo goobihii ganacsi ee ka agdhawaa Hudheelkaasi kaas oo uu ku sheegay inuu ka banaynayo waddo isla markaana la dhigayo Laami,taas oo ay dadkii lahaa guryahiisa ka cadhoodeen sababta uu maayirku amarka ugu fulin waayey gaydhka Hudheelka marwo Aamina Waris oo ay sheegeen in uu dhinac kaga jiro wadada balse aanu maayarku dumin si badheedh ahna indhaha uga qarsaday.

 

Comments

comments