Wasiirka wasaarada warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani ayaa waxaa uu ka hadley dagaal maalintii shalay aheyd koonfurta magaaada Laascanood ku dhex maray laba beelood oo walaalo ah.

Wasiirka ayaa baaq nadeed u diray labadaasi beelood isla markaana waxaa uu ugu baaqey in dagaalka si shuruud la,aan ah ay labada dhinacba u joojiyaan

Si Kastba ha ahayeee ma ah markii ugu horeysay ee labadan beelood ee Baharsame Iyo Qayaad uu dagaal dhex maro balse tiroba dhawr jeer oo hore ayuu dagaal dhex maray waxaana la isku deyey in la dhameeyo arinta dhex taala labadan beelood balse wali si rasmi ah looguma guuleysan

Comments

comments