Gudoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto ayaa waxaa uu ka hadley xukunka ay dhawaan maxkamada gobalka Hargeysa ay ku ridey Saxafi Cabdimaalik Muuse Coldoon .

Gudoomiyaha ayaa waxaa uu dheleeceeyey xukunka lagu xukumey wariye Coldoon isla markaana waxaa uu ku tilmamey mid sharci daro ah , xadhigiisana loo marey sifo sharci daro ah .

Sidoo kale gudoomiye Xuuto ayaa waxaa uu sheegay in ay jiraan suxufiyiin ka mid ah warbaahinta Somaliland oo sameeyey khaladka uu Cabdimaalik sameeyey mid ka sii xun, balse ay xukuumadu ku taageertey arintaasi ,loona arki karo cadaalad daro ay dawladu sameysay

Comments

comments