Tababare Antonio Conte Oo Wali Wada Ciyaar Maskaxeedkii Talyaaniga

Tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaa shaaca ka qaaday inuusan wali urin guusha horyaalka Premier League inkstoo kooxdiisa ay 3-1 guul kaga heleen Bournemouth.

Eden Hazard iyo Marcos Alonso ayaa shabaqa soo taabtay iyadoo sidoo kale Adam Smith uu gool iska dhaliyay taasoo guul weyn siisay Conte, waxeyna barteedii ku celiyeen hogaankii 7-da dhibcood ahaa ee lasoo yareeyay saacad ka hor kulankooda.

“Ma aanan urin guusha, sababtoo ah 7-kulan ayaa hartay” ayuu yiri Conte.

“Ma heysano shax fudud, waan ognahay midaas, waxaa noo muhiim ah inaan u dhaqaaqno kulanba kulanka xiga”

“Xitaa, kadib guuldaradii aanan u qalmin ee naga soo gaartay Crystal Palace, waxaan la ciyaarnay Manchester City inagoo dhibco luminay, maantana dhibco ayaan luminay, balse labada kulanba waan badinay”

“Waa inaan sii wadnaa habkaan kulanba kulan isla markaana aan diirada saarnaa iskuna dheeli tirnaa, sababtoo ah sidaan hubo Tottenham waxey leedahay rabitaan ku guuleysiga horyaalka ah, waxaa qasab nagu ah rabitaankaas oo kale”

Ugu dabeyntiina Antonio Conte ayaa qiray in Spurs ay sanadkii hore u dagaalantay xiilli Blues ay gashay booska 10-aad.

Comments

comments