Somalia: Maxa Ku Soo Kordhay Qaraxii Maanta Magaalada Muqdisho Gil-Gilay? Faah Faahinta

Warar Dheerad ah oo ka soo gurdhayah Qaraxii Maanta Ee Faah faahinta aanu a helayno qarax ismiidamin ah oo maanta ka dhacay magaalada

Moqdisho waxaa ay sheegayaan in dad badan 15 ruux oo shacab ah ayaa ku dhintay tiro intaa ka badana waa ay ku dhaawacmeen qaraxaasi

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in qaraxa ismiidaaminta ah oo loo adeegsaday gaadhi , lala beegsadey kolonyo baabuur ah oo uu la socday Taliyaha cusub ee Ciidanka Xooga Dalka.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa ismiidaaminta ah uu haleelay Gaari caasi ah oo ay la socdeen dad rayid ah oo marayay nawaaxiga Wasaaradda.

Gaadiidka Gurmadka deg deg ah ayaa goobta ka daabulaya dadka dhaawacyadu soo gaareen, waxaana laga cabsi qabaa in tiradda dhimashada ay ka sii badato intaasi.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay laamaha Amaanka ee dowladda oo ku aadan qaraxa ismiidaaminta ah ee ka dhacay Nawaaxiga wasaarada Gaashaandhiga, sidoo kale majirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarkaasi.

Comments

comments