Somaliland: Faysal Cali Waraabe Oo Caytamay- “Jamaal, Waanu Isdilnay, Waxa Haysta Diwaangalinta Cabdirisaaq Ciyaale, Maxkamadana Innan Kale Oo Reer Saaxil Ah Ayaa Fadhiya,

Somaliland: Garabkii Jamaal Iyo Xisbiga Kulmiye Oo Si Wada Jir Ah Uga Wadlay Natiijada Ka Soo Baxay Kulamo Ay Wada Qaateen

“Faysal Cali Waraabe Oo Fariimo Dahsoon U Diray Gudoomiye Cabdirisaq Ciyaale, Guddoomiyaha Maxkamada Sare Iyo Guud Ahaan Dumarka Somaliland Oo Uu Ku Tilmaamay Kuwo Xishoodkii Ka Tagay Una Maah Maahay”

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo shalay dalka dib ugu soo noqday ayaa Warbaahinta la soo hor istaagay hadalo tawaawac u badan oo uu kaga sheekeeyay Isqabsigii isaga iyo Jamaal Cali Xuseen,Waxa uu ku hanjabay in Sharciga loo sinaado,isagoo u jeeda in loo fuliyo Dacwadii uu ku oogay Maayaradda Goleyaasha Deegaanka Gabiley iyo Berbera oo Xisbigiisu Dacwad ka dhan ah u gudbiyay Maxkamada Sare,Waxa uu sidoo kale weerar afka ah ku qaaday Dumarka Somaliland oo uu ku sheegay inay Xishoodkii Dumarnimo ka tageen,isagoo isbarbar dhig ku sameeyay Dumarka ku dhaqan Soomaaliya oo uu sheegay inay Xagga xishoodka ka wanaagsan yihiin Reer Somaliland.
Ugu horayn Eng Faysal Cali Waraabe oo Warbaahinta kula hadlay Garoonka Diyaaradaha Hargeysa ayaa cabasho ka muujiyay sinaan la’aan ka haysata Sharciga Somaliland isagoo sheegay in dhawr jeer la muquuniyay oo loo reernimo sheegtay,Waxana uu farta ku fiiqay goobo ay dacwado ka galeen oo uu dareen kale oo gaar ah ka qaatay waxaana uu yidhi isagoo arimahaasi ka hadlaya“Haddii Sharciga loo sinaan waayo oo Qabiilku ka sareeyo Sharciga adna lagu Ixtiraami maayo,Kursiga Waxaad ku fadhidaa Magaca Somaliland,Dawladnimo,Hadaad Inaadeerkaa tidhaa Sharcigu qaban maayo,Ana Sharcigaagu ima qabanayo,Waxa la yidhaa Sharci aan loo sinaynin Sharci maaha”.
Waxa kale oo uu yidhi“Jamal Cali Xuseen Waanu isdilnay,Waxa haysta diwaangalinta Cabdirisaaq Ciyaale,Sharcigaan aaminay Waan aqaanay,Wuxuu soo saaray ayaad ogaydeen,Maxkamadaa la isku tuuray,Inan kale oo reer Saaxil ah ayaa fadhiya,Waan ogolaaday,Wuxuu kadaba yidhi Go’aankiisa waad maqlayseen,Madaxa ayuu iskugu kaaya xidhay,Taayadii ayaa timid,Absolutely,taasi yeeli mayno,Dawladan Waxaa leeyahay,Wadankani waa inuu Sharci ku socdaa ama waa inuu Qabiil ku socdaa,Maanta waxaad arkaysa Gabadh Caytamaysa,Dumarku Saddex meelood ayay ka xishoodaan,Mar Waa Gabadh Oo Waa guurmeer oo way xishootaa, Mar waa marwo oo waa la qabaa,Marna Waa soddoh,Markasta Xishoodku waa uu ku jiraa Dumarka,Dumarkeenu Xishoodkii way ka tageen,Way Caytamayaan,Bal waakaase Soomaaliya Intaasi oo dawladood oo yar yar ayaa ka jiree Gabadh Caytamaysa soo arag,oo intay Halkaasi soo istaagto rag waa weyn caayaysaa,Hore ayaan u sheegay oo waxaan idhi hadaad sidaasi noqoteen Isku dhex kariskiinii ku noqda,cunto fiican ayaad Karin jirteen,Siyaasada waad ku bariiqateen”.
Eng Faysal Cali Waraabe ayaa waxa ka muuqday waji gabax uu kala kulmay Dacwadii uu Maayarada Gabiley iyo Berbera ku oogay kuwaasi oo iclaamiyay inay siyaasad ahaa taageeradoodii kala wareegeen Xisbiga UCID,waxaana uu ku tawaawacay in qabiilku Somaliland ka sareeyo sharciga isaga oo aan faah faahin ka bixin dulucda dooda sharci ee laga hor istaagay ee ka socon wayday.
Waxa kale oo uu shalay si dadban ugu jawaabay Gudoomiyihii hore ee Xisbiga UCID ee Gobolka Saaxil Rooda Axmed Yaasiin taasi oo dhawaan hadalo uu dhibsaday Faysal Warbaahinta umarisay,waxaanu Shalay Faysal u weeraray Gabadhan Si Qaawan inkasta oo ay ka mid ahaan jirtay haweenka ugu cadcad UCID.

Comments

comments