Somaliland: Safarka Madaxweynuhu Ma Wuxuu Daarran Yahay Xeeladda Hirgelinta Heshiisyada Xukuumadda Ee Berbera iyo Dejinta Xaaladda Reer Saaxil?

87

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Xubno tirsan Masuuliyiinta Xukuumaddiisa, ayaa shalay xalay u hoyday magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ka dib markii ay shalay casarkii ka baxeen Hargeysa.

Madaxweynaha iyo Xubnaha la socday, ayaa lagu soo dhaweeyey Berbera iyo inta u dhaxaysa magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera. Ujeeddada Safarka Madaxweynaha, ayaa lagu sheegay mid uu ugu kuurgalayo xaaladda Dadka iyo hawlaha Qaranka ee gobollada Togdheer iyo Saaxil siday u socdaan. Waxaanay Madaxweynaha iyo Xubnaha la socdaa ka qaybgalayaan furitaanka Mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey magaalada Berbera, sida uu sheegay Afhayeenka Madaxtooyada Xuseen-Dayr.

Inkasta oo aanu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ka hadal ujeeddada Safarkiisan kooban, haddana Afhayeenka Madaxtooyada Xuseen-Dayr oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Berbera, ayaa ka warramay ujeeddada Safarka Madaxweynaha iyo meelaha uu kormeeri doono, isla markaana xaaladaha ka jira mid shaqo iyo mid nololeed uu u kuur-geli doono.

“Madaxweynuhu caawa (Xalaya) waxa uu ku sugnaan doonaa oo u hoyday Berbera, waxa uu Safarka Madaxweynuhu daarran yahay indha-indhayn ah, waa socdaal u kuurgelid ah hawlaha Qaranku siday u socdaan guud ahaan. Madaxweynuhu Sabtida oo bishu 25 tahay Mashaariic waawayn oo magaalada Berbera laga hirgeliyey, qaarna laga hirgelinayo ayuu ka qaybgeli geli doonaa. Dabadeedna waxa uu u kicitimi doonaa gobolka Togdheer, gaar ahaan magaalada Burco.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenku.

Afhayeenka Madaxweynaha Xuseen-Dayr oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi; “Madaxweynuhu halkaas (Burco) waxa uu u kuur-geli doonaa hawlaha Qaranka iyo nolosha Bulshadu sida ay tahay. Madaxweynuhu gobolka Togdheer meelaha uu kormeerka ku marayo waxaa ka mid ah arrimaha Sahaminta Shidaalka oo uu u kuur-geli doono iyo guud ahaanba nolosha Dadweynaha, dhinacyada Abaaraha, Nabadgelyada iyo dhinac walba. Markaa, marka la isku soo ururiyo Safarka Madaxweynuhu waa kormeer uu ku marayo labada gobol ee Togdheer iyo Saaxil.”

Inta badan Dadka ku dhaqan gobolka Saaxil, gaar ahaan magaalada Berbera, ayaa u muuqday kuwo dareen ahaan ka soo horjeeda Heshiisyada ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo sheegtay inay ku kiraysay Dekedda Berbera oo maamulkeeda kawdii bishan aynu ku jirno lagu wareejiyey Shirkadda DP World ee Imaaraadka Carabta laga leeyahay iyo Saldhigga Millateri ee ay Dawladda Imaaraadka Carabta ka siisay Berbera oo toddobaadkii hore heshiiskiisa lagu kala saxeexday magaalada Dubai, iyaga oo Shaqaalaha Dekedda iyo Maamulka cusub ee DP World keensatay Berbera isku dhaceen laba toddobaad ka hor, balse xal Shaqada Dekedda dib loogu bilaabay markii ay muddo laba maalmood ah taagnayd. Sidaa daraaddeed, arrimahaas iyo kuwo la xidhiidhsan ayaa la filayaa inuu Wax-garadka iyo Odayaasha Reer Saaxil iyo Madaxweyne Siilaanyo kaga wadahadleen kulammo ay xalay ku yeesheen magaalada Berbera, sida ay sheegayaan ila-wareedyo Berbera ku sugan oo aan faahfaahin dheeri ah bixinnin.

Comments

comments