Somaliland: Ciidamada Booliska Somaliland Oo Bilaabay Hawl Gallo Culus Oo Ay Kusoo Qabanayaan Nin Weerar Kusoo Qaaday Saldhiga Qudhac-Dheer Ee Magaalada Hargeysa

353

Ciidamada booliska Somaliland ayaa xalay ilaa saaka waxay bilaabeen hawl gallo culus oo ay kusoo qabanayaan nin weerar kusoo qaaday saldhiga xaafadda Qudhac-dheer ee magaalada Hargeysa kaas oo rasaas uu furey ku dhaawacay taliyihii Saldhigaasi iyo askari ka tirsanaa ilaaladiisa.w

Waxaana ninkan weerarka soo qaaday uu ahaa sida la sheegay Gaashaanle ka tirsan ciidanka Laanta Socdaalka Somaliland,waxaana uu isaga oo hubaysan uu weerar kusoo qaaday saldhigaasi,waxaana uu halkaasi rasaas uu furey ku dhaawacay Taliyahii ciidanka saldhigaasi.

Ninkan ayaa markii uu khasaarahaasi gaystay waxa uu ka baxsaday goobtii falku ka dhacay,waxaana ciidamada boolisku ay bilaabeen ilaa xalay ilaa saaka hawl gallo ay ku baadi goobayaan ninkaasi.

Waxaana ciidamadan lasoo dhoobay wadooyinka magaalada iyo waliba kaantaroolada magaalooyinka iyaga oo baadhaya gaadiidka kala duwan ee iskaga kala goosha gobolada Dalka.

Ilaa hadda lama garanayo sababta ninka ku kaliftay inuu weerarka kusoo qaado saldhigaasi balse wararka ayaa waxay tibaaxayaan in uu ka dhashay muran dhanka dhulka ah.

Comments

comments