Somaliland: Golaha Guurtida Somaliland Oo Maanta La Filayo In Ay Muddo Kordhin U Sameeyaan Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo

223

Xildhibaanada golaha guurtida Somaliland ayaa maanta la filayaa in ay ku dhawaaqaan muddo kordhinta ay u sameeyaan xukuumadda madaxwayne Siilaanyo kadib marka ay xildhibaanadu ka doodaan inta loo kordhin karo xukuumadda.

Arrintan muddo kordhinta oo shir gudoonka golaha guurtidu u saareen guddi ka kooban 21 xildhibaan si ay uga soo talo bixiyaan muddo kordhinta loo samayn karo xukuumadda madaxwayne Siilaanyo ayaa waxa la filayaa in guddigan ay golaha horkeenaan nuxurka go’aanka ay ka guddi ahaan kasoo qaateen muddada ku munaasib ka ah ee loo kordhin karo xukuumadda.

Xildhibaanada golaha guurtida Somaliland ayaa iyagu hadda fadhiistay xarunta golaha iyaga oo badiba kasoo xaadiray golaha,waxaana jawiga saaka ee goluhu uu yahay mid ka gadisan jawiyadii hore iyada oo ay ishaadu qabanayo in xildhibaanadu intii isku fakar ahiba isla taagan yihiin.

Xildhibaanadan ayaa marka lasoo hordhigo muddoda ku manaasibka ah ee dib loo dhigi karo doorashada waxa ay gali doonaan codayn fartaag ah kuwaas oo cod gacan taaga la filayo inay ku ansixiyaan mudadadaasi ay isla qaataan in la kordhiyo.

Xildhibaanada golaha guurtida ayaa iyagu laba dhinac u kala qaybsan,labadaa dhinac oo ah kuwo ay wasiiro ka tirsan xukuumaddu soo abaabuleen oo doonaya in doorashada dib loo dhigo muddo hal sano iyo wax ka badan ah iyo xildhibaano ay xisbiyadu soo abaabuleen oo iyaguna dhankooda doonaya in la tixgaliyo codsiga madaxwaynaha ee ah in doorashada la qabto 10.10.2017-ka,waxaana golaha guurtida saaka laga dareemayaa gurxan,sawaxan iyo faqqa in xildhibaanadii isku fikir ahiba ay meel wada taagan yihiin.

Ilaa hadda lama garanayo inta ay golaha guurtidu u kordhin doonaan xukuumadda madaxwayne Siilaanyo isla markaana ay doorashada dib u dhigi doonaan,iyada oo ay xusid mudan tahay in madaxwaynaha Somaliland,saddexda xisbi qaran iyo Guddiga komishanku ay isla qaateen in doorashada la qabto 10.10.2017 dibna loo dhigo doorashada muddo Lix Bilood ah.

Gabagabadiina xildhibaanadan golaha guurtida Somaliland ayaa hadii ay ansixiyaan muddo ka badan ta madaxwaynuhu usoo gudbiyey waxay sii xumaynaysaa xidhiidhkii ka dhaxeeyey Somaliland iyo Beesha caalamka gaar ahaana deeq bixiyayaasha Somaliland ka taageera dhanka doorashooyinka oo iyagu walaac xoogan ka qaba dib u dhacan ku yimi doorashada,waxaana laga wada war sugayaa muddo kordhinta ay sameeyaan xildhibaanadu hadii ay maanta ka doodaan.

Comments

comments