Kadib Kulamadii Isbuucaan Waa Sidee Miiska Kala Sareynta Gooldhalinta Horyaalka La Liga (Pichichi)

305

Lionel Messi ayaa horkacaya hogaanka gooldhalinta horyaalka Spain wuxuuna ka saaciday kooxdiisa Barcelona iney ugu horeyso horyaalka sida uu isaguba ugu horeeyo gooldhalinta.

Leo wuxuu xalay sameeyay wax qaas ah maadama uu afar gool ka qeyb qaatay kulankii ay kooxdiisa 5-0 ku xasuuqday Celta Vigo, waxeyna aheyd habeen u weyn, akoonkiisa goolasha wuxuu ku daray laba gool, halka Luis Suarez oo ah shaqsiga kusoo xiga uusan xalay wax gool ah dhalin.

Si kastaba Messi wuxuu ninka ay aadka u xifaaltamaan ee Cristiano Ronaldo ka sareeyaa 6-gool madama uu leeyahay 17-gool – waana booska 3-aad ee kala sareynta.

Iago Aspas oo kooxdiisa caawin waayay markii ay soo booqdeen Camp Nou ayaa ku jira booska afaraad wuxuuna dhaliyay 14-gool.

LIISKA CIYAARTOYDA:

1. Lionel Messi (23)

2. Luis Suarez (19)

3. Cristiano Ronaldo (17)

4. Iago Aspas (14)

5. Willian Jose (9)

Comments

comments