Somaliland: Wasiir Caddaani oo Bulshada Somaliland ee UK ugu Baaqay Inay Fashiliyaan Muddaharaadka Cadowga

Date:

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigalinta Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa ku eedeeyay xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI inay dibadda u rareen si ay ula kaashadaan cadowga Somaliland mudaharaad ka dhan ah saldhigga millatari ee dawladda Imaaraadka carabtu ka samaysanayso Madaarka Berbera, oo ah heshiis sharci ah oo laga xalaaleeyay goleyaasha baarlamaanka ee (Guurtidda iyo Wakiillada).

Wasiirka Warfaafintu, waxa uu qurbo-jooga Somaliland ee ku nool Ingiriiska ugu baaqay inay dhabarka u sii jeediyaan oo aanay ka qaybgalin Mudaharaadka Soomaaliya soo abaabushay ee lagaga soo horjeedo heshiiska Somaliland ay imaaraadka ku siisay saldhigga Millatari ee 2-da Bishan March oo maanta oo khamiis ah ay iclaamiyeen inay ka dhigayaan safaarada Imaaraadku ku leeyihiin London.
Wasiir Caddaani, waxa uu sidaasi ku sheegay shirjaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa, waxa kaloo uu ka hadlay baahinta idaacadda Radio Hargeysa oo lagu soo kordhiyay laba saacadood oo cusub. Waxa kale oo uu ka hadlay caafimaadka madaxweyne Siilaanyo oo uu sheegay inuu caafimaadkiisu taam yahay isla markaana uu ku gudo jiro booqashada gaarka ah ee uu ku joogo Ingiriiska.

“Nidaamka Dimuqraadiga ah ee aynu qaadanay, waa sifo sharci ah oo waajibinaya in arrimaha lagu kala aragtida duwanaan karo ee laysku qabto, in loo maro dariiqa sharci ee Dastuurka JSL uu tilmaamayo oo hadday arrintaasi u baahan tahay Baarlamaanka in la mariyo, si ay uga gutaan waajibkooda, kadibna loo wada hoggaansamo wixii aqlabiyaddu isku raacdo. Madaxda ugu sarreysa ee Xisbiga WADDANI oo weliba Musharraxoodu yahay Guddoomiyaha Golaha sharci dejinta ee Golaha Wakiilllada, waxa uu si toos ah u jebiyey qoddob Dastuuriya, kadib markuu ka horyimid go’aankii sharci ee sida aqlabiyadda ugu ansixiyeen Baarlamaanku, oo ah labada Gole ee Guurtidda iyo Wakiillada ee ay ku oggolaadeen in Madaarka Berbera dalka Imaaraadka Carabta ka sameysto saldhig Millatari,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.

Wasiirku waxa uu sheegay in bisaylka shacabka Somaliland awgeed uu waayay cid uga mudaharaada dalka gudihiisa ay go’aansadeen inay dibadda u raraan si ay taageero uga helaan cadowga dal, waxaannu yidhi; “Xisbiga WADDANI waxa uu gudaha dalka ka bilaabay ololeyaal uu dadweynaha ku wacyigelinayey inay ka mudaaharaadaan go’aankii sharci ee Golayaasha Qaranku ansixiyeen ee saldhigga Madaarka Berbera, balse nasiib wanaag biseylka siyaasadeed ee uu gaadhay shacbigu awgeed way ku guul-darreysteen.

Intaas oo tallaabo oo shuruucda dalka wada khilaafsan, kumay joogsan Madaxda Xisbiga Waddani ee uu C/raxmaan Cirro horkacayey, waxayna la noqotay inay guul ku gaadhi karaan oo kaliya, iyagoo u rara mudaharaadka dalka dibeddiisa si ay ula kaashadaan kuwa cadowga ku ah jiritaanka Qaranimo ee JSL, iyagoo u arkay in kuwaasi ay ka heli karaan xoog, xeelad iyo dhaqaaleba ku biirin karaan, dabadeed sidaa ayey ugu rareen magaalada London, maadaama uu horena Farmaajo arrimaha Berbera qeylo dhaan gaadhsiiyey dibedda iyo gudaha Muqdishaba.”

“Dhaqaale badan ayey ku bixiyeen Madaxda Xisbigu siday u iclaamin lahaayeen mudaharaadkaasi waqtga uu qabsoomayog iyo goobta, iyagoo baahintii ogeysiiska mudaaharaadka oo aan meelna k asoo gelin sharciyada ogeysiisyada la nooca ah, ayaa waxay u adeegsadeen Warbaahin ka mida kuwa u tafa-xeydan burburinta amniga iyo xasiloonida ay Somaliland ku caano maashay, si loo dumiyo jiritaanka qaran ee JSL. Haddaba, Jaaliyadda reer Somaliland ee ku sugan dalka UK , waxaan ugu baaqaynaa inay mashruucaa la dul keenay ee cadowga Somaliland ay la kaashadeen maangaabyada Xisbiga Waddani u fashiliyaan sidii ay dadkooda gudaha ku sugani u fashiliyeen oo kale,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.

Wasiirku waxa uu sheegay in caafimaadka madaxweynuhu wanaagsan yahay isla markaana magaalada London ee dalka Ingiiska u tagay hawlo u gaar ah,waxaannu yidhi; “Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu ii sheegay markii uu dalka ka dhoofay in uu hawlo u gaar ah u tagayo magaalada London, Hadda waxa uu ku sugan yahay magaalada London, caafimaadkiisuna aad iyo aad ayuu u wanaagsan yahay. waxaan Ilaahay ka baryaynaa in uu innagu soo laabto isagoo caafimaad buuxa qaba cimri dheerna Ilaahay ha u raajiyo.”

Geesta kalena, waxa uu Wasiirku sharraxaad ka bixiyay laba saacadood oo dheeraad ah oo lagu soo kordhiyay baahintii idaacadda Radio Hargeysa, waxaannu yidhi; “Idaacadda Radio Hargaysa, laba saacadood ayaaan ku daraynaa saacad subax ah iyo saacad habeenkii ah. Waxaanu ummada Somaliland ugu bushaaraynayaa meel kasta oo ay joogaan iyo ciidammada Gambadha ka dhagaystaba in aanu saacado ugu daray Radio Hargaysa leh barnaamijyo cusub oo tayaysan. Subaxdii 9:30 subaxnimo ayay ka bixi doontaa,habeenkiinna halkay 10:00 habeenimo ka bixi jirtay, waxay ka bixi doontaa 11:00 habeenimo.”

Wasiirka oo la weydiiyay siday ugu suurtogashay inuu shaqaalaha wasaaradiisa oo dhan intii isku shaqo ahba uu u qoray gunno siman,waxa uu sheegay inaanu wax dheeraad ah sameynin hase ahaatee uu ku guulaystay inuu shaqaalaha dhexdooda u caddaalad sameeyo, taasina ay tahay mid looga dan leeyahay in shaqaalaha wasaaradu noqdaan qaar kala mushahar badan iyagoo shaqadoodu isku mid tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...