Muxuu Tababare Zinedine Zidane Ka Yiri Guuldaradii Valencia Ayuuse Ku Eedeeyay?

Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa kooxdiisa uga tacsiyadeeyay bilowga liita ee ay sameeyeen kulankii ay qasaaraha kala kulmeen kooxda Valencia xalayto markaas oo lagu suldaaray 2-1.

Real Madrid waxey lumisay fursad ay ku dheereysan kartay horyaalka La Liga madama ay dhibic qura hadda ka sareyso Barcelona inkastoo wali ay gacanta ku heysato kulan baaqi ah oo ay la yeelan doonto Celta Vigo.

Si kastaba Zidane wuxuu ciyaartoydiisa ku eedeeyay iney sameeyeen bilow xun isla markaana ay u ogolaadeen Valencia iney dhaliyaan labada gool ee sababay guuldarada kooxda.

“Wey iska cadahay waxaan kulanka luminay 10-kii daqiiqo ee ugu horeeyay, waxaan ku bilaabanay kulanka si aad u liidata, sida caadiga ah, awoodda waa habka aan ku bilaabano kulan walba, balse maanta waxey aheyd gabi ahaanba wax caksi ku ah” Ayuu yiri Zidane.

“Waxey dhaliyeen laba, kadib waxaan sameynay wax fiican, balse waan lasoo daahnay, tobankii daqiiqo ee ugu horeeyay ma anan aheyn kuwa caqli leh oo ay ka go’an tahay  guusha”

“Ma walwalayo, waan ka careysanahay wixii dhacay tobankii daqiiqo ee ugu horeeyay, balse wax cudur daar ah ma lahan. kubadda cagta waxa aad aaminsan tahay ayaa aad u muhiim ah, tobankii daqiiqo ee ugu horeeyay ma aheyn mid wanaagsan”

Comments

comments