Somaliland: Ciidamadii I Hor Isteegay Inan Duulo Waxa Soo Laalushay Maamulka Puntland

165
Khatumo leader Prof Galayd says its time to give peach a chance

Hogaamiyaha kooxda Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galaydh ayaa isaga oo ku sugan wadanka Djibuuti waxa uu ka hadlay ciidankii ka hor istaagay garoonka diyaaradaha magaalada Buuhoodle iyo Safarkiisii uu shalay kusoo maray magaalada Hargeysa

Cali Khaliif ayaa sheegay inuu wadanka Djibouti u tagay sidii uu uga qayb-gali lahaa wadahadalladii u socday maamulkiisa iyo dowladda Somaliland.

Sidoo kale, Galaydh waxa uu sheegay in Kooxdii is hortaagtay safarkiisa ay ahaayeen ciidan maamulka Puntland ka amar qaata oo doonayey inay is hortaagaan masiirka ummada Khaatumo isla markaana aanay shaqo ku lahayn shacabka Reer Buuhoodle.

Geesta kale Cali Khaliif ayaa ka hadlay Safarka uu ku sii maray Hargeysa, Wuxuuna sheegay inaysan ahayn mid Wiiqaysa Wadahadalka Labada dhinac, SIdoo kalana wuxuu sheegay inuu kusoo Noqon doono magaalada Buuhoodle iyadoo aysan jirin cid uu Fasax uga qaadan doono, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“arrintaasi wax qabiil ku shuqul leh maaha, arrintanu waxa weeye niman ciidamo ah oo Buuhoodle jooga, ciidankaas waxaa masruufa oo raashin siiya maamulka Puntland, Puntland taladeeduna waxa weeye in dadka Sool, Sanaag iyo Cayn aanay tashan, waxay leeyihiin oo maamul ah oo ay leeyihiina aanay jirin, markaa dadka deegaanku wax shaqo ah arrinkaas kuma laha haddii dusha laga saarana waa laga gar daran yahay arrintaas waxaa leh ciidankaas Buuhoodle jooga ee ay Puntland masuurfto waliba waxaan jecelahay in la hubiyo inuu ciidanku arrinkan u dhamaa iyo in ashkhaas la yaqaano ahaayeen”.

Comments

comments