Somaliland: Darwalkii Khaaska Ahaa Ee Maareyaha Dekeda Berbera Oo Bastoolad Ku Qabtay Mid Kamida Shaqalaha Dekeda Berbera Oo Xabsiga Loo Taxaabay

Darwaalka Baabuurka Uwada Maareyaha Dekeda Berbera Axmed Yuusuf Dirir opo lagu Magacaabo Maxamed Maxamud Cabdi(Suulaw)ayaa galabta goob fagaare ah oo kutaala magalada Berbera baastoolad Si badheedh ah ugu qabtay Maxamed Jaamac Nuur(Besbaaso)oo kamida shaqaalaha dekeda berbera gaar ahaan waaxda Farsamada iyo gaadiidka.

waxaana islamarkiiba Saldhiga dhexe ee Berbera loo taxaabay darawalkii gaadhiga Maareyaha waday isaga oo waliba wata baabuurkii gaarka ahaa ee Maareyaha oo uu ku dhex sitay hub sharcidaro ah islamarkaana inta uu cabaystay uu ku qabtay mid kamida shaqaalaha Dekeda Berbera.

dhacdadan ayaa ka dhacda mid kamida Mukhaayadaha laga shaaheeyo oo kutaala Suuq weynaha Berbera sidoo kale arinkan baastoolada uu u adeegsaday Darwalka Khaska ah ee Maareyaha Dekeda Berbera Maxamed Maxamud Suulaw ayaa ka bilaamay is afdhaaf dhex udhexeeyay ninka labadan shaqaalaha ah ee ka shaqeeya dekeda Berbera Qaar kamida dadkii ku sugnaa goobta ay dhacdadani akdhacday ayaa shabakada wararka ee Berberatoday.com Uxaqiijiyay dhacdadan uu Baastoolada adeegsaday Darwalka Gaarka ah ee Maareyaha Dekeda Berbera.

Ninka baastoolada uu ku qabtay darwalka Maareyaha Dekeda berbera oo lagu magacaabo Maxamed Jaamac Nuur(Besbaaso)oo isaga qudhiisu kamida darwalinta gaadiidka Dekeda ayaa noo xaqii jiyay dhacdadan mar aanu tilifoonkiisa gacanta kula xidhiidhnay wax ka weydiinay siday wax udhaceen waxaanu yidhi”Galabta aniga oo Mukhaayad ka shaahaynaya ayuu Darwalka maareyaha Dekeda Berbera uu afxumo iyo cay iga daba yidhi aniga oo Mukhayada kasii kacaya kadibna waan kusoo noqday oo waxa aan weydiiyay waxa uu igu caayayo markaas ayuu kacay oo gaadhigii uu waday ee maareyaha galay oo baastoolada kala soo baxay waanu igu qabtay inta uu cabaystay. dadka oo dhami way arkayeen anigu bakoorad ayaa lasoo dagay markuu baastoolada iila soo baxay ee igu qabtay, kadibna xaga Saldhiga dhexe ayaa u dacwad tagay wuu ioga daba yimi aniga ii jidka sii socda ayuu hadana gaadhigii igu hor gooyay isaga oo bastooladii iigu hanjabaya, dad baa nakala dhex galay oo nakala kexeeyay Markaan saldhiga tagay ee dacwadii qorayna waa la soo qabtay oo la xidhay baastooladiina Saldhiga ayaa laga dhigay Markaa anigu sharciga ayaa ka sugayaa wuxuu ka qabo ninka bastoolada sida badheedhka ah iigu qabtay, Mar uu Besbaaso ka hadlayay darawalkii Maareyaha ee Baastoolada ku qabtay oo damiin lagu sii daayay ayaa waxa uu yidhi”Waxa damiintay oo sii daayay qaar kamida shaqalaha Dekeda oo Maareyaha ay isku dhawyihiin oo damiin kusii daayay laakiin anigu sharciga ayaan udaba fadhiyaa dhacdadan lay gaystay odayaashaydiina Waan usheegay dacwadaydana waan wadanayaaa.Waxa kaloo uu sheegay ninka Baastoolada lagu qabtay oo lagu naanayso Maxamed Bebaaso in markii hore labadoodaba lawada xidhay balse markii danbe isaga lasiidaayay markii la ogaaday inaanu wax dhiba isagu gaysan,

Darwalka Maareyaha Dekeda Berbera oo aanu tilifoonkiisa gacanta kala xidhiidhnay markii la sheegay in damiin lagu siidaayay si aan u dhacadadan wax uga weydiino ayaa naga qaban waayay tilifoonkiisa gacanta.

Maareyaha Dekeda ayaa la sheegay markii dhacdadani dhacday ee loo sheegay inuu amray in la xidho darawalkiisa baastoolada ku qabtay ninka shaqaalaha Dekeda kamid ah baabuurka uu wadayna loo soo kexeeyo oo la keeno guriga Maareyaha Dekeda Berbera,

Maareyaha Dekeda Berbera ayaan ilaa hada la garanayn talaabada uu ka qaadi doono darwalkiisa ku kacay falka amni darada ah ee wax udhimi kara sharafta iyo karaamada Maareyaha Dekeda Berbera Axmed Yuusuf Dirir oo ah nin masuul ah oo qunyar socod ah,sidoo kale dhacdadan ayaa ugub ku ah darawaliinta gaadiidka uwada madaxda iyo masuuliyiinta dawlada ee Gobolka Saaxil iyada oo aanay horena udhicin dhacdadan oo kale.

Comments

comments