Daawo Sawirad: Ururka Al-Shabaab Oo Soo Bandhigay Sawirada Dagaalkii Ay Ku Qaadeen Ciidamada Kenya Ee Ku Sugan Magaalada Kulbiyo

Mid ka mid ah shabakadaha taageerta ururka Alshabaab ayaa soo bandhigtey sawiro ku saabsan dagaalkii dhowaan ka dhacay saldhig ay ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Kulbiyow ee Jubbada Hoose.

War Saxaafadeed la socday Sawiradan oo ay soo saartay Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaas loogu magacdaray Sheekh Maxamed Dulyadeyn oo ahaa mid ka mid ah hogaamiyaasha Alshabab oo lagu diley gobolka Jubbada Hoose.

Weerarkan ayaa ururka Alshabaab waxa uu ku sheegtay in ay ku dileen ciidamo Kenyan ah oo tiradoodu gaareyso 67 askari.

Comments

comments

SHARE