War Deg Deg Ah: Guddoomiyaha Golaha Guurtida Oo Imika Ka Hadley Doorashada Iyo Mudo Kurdhinta Iyo Xaalada Abaa,,

Gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleeban Maxamuud Aadan oo goor dhaweyd saxaafada kula hadley xafiiskiisa waxaa uu ka hadley arimaha doorashooyinka , abaaraha xoogan ee dalka ka jira , heshiiska ay saddex xisbi ay ka gadheen doorashada madaxtooyada , kulan la sheegay in uu mdaxweyne Siilanyo la qaatey iyo eedeymo dhawaan golihiisa uga yimid gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe .

Ugu horeyn gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in abaaro xoogani ay dalka ka jiraan isla markaana hadii ay abaarto sii jirto aan doorasho la gali kareen , hadii roob ” GU “ah oo fiicani “Da,o na” doorashada la gali karo

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa waxaa uu hoosta ka xariiqey in golihiisu uu tixi galin doono heshiiska ay saddexda xisbi ka gadheen arimaha doorashooyinka .

Saleeban Maxamuud Aadan oo sidoo kale wax laga weydiiyey in uu jiro kulan uu shalay qasriga madaxtooyada kula yeeshay madaxweyne Siilanyo waxaaa uu tilmaamay in wararkaasi aanay aheyn qaar xaqiiqo ah

Ugu Danbeyn Gudoomiye Saleeban waxaa uu si kooban uga jawabey eedeymo dhawaan golihiisa uga yimid gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali waraabe waxaana uu hadalaasi ka soo yeedhay Gudoomiye Faysal ku tilmaamay in ay ahayeen qaar kaftan ah

Goor Dhaw Filo Daawasho wargane news

 

Comments

comments

SHARE