Somalilland: Dad Weyne Ka Cadhooday Xafiiska Maaliyadda Laanta Socdaalka Hargeysa Oo Shilinka Jsl Kaga Iibin Wayey Pasportka…

Nizar Foazi’s identification documents and Yemeni passport. He says many Yemenis and Somali-Yemenis have fled to Somaliland without their ID documents because they had to run away so quickly. (Ashley Hamer)
Nizar Foazi’s identification documents and Yemeni passport. He says many Yemenis and Somali-Yemenis have fled to Somaliland without their ID documents because they had to run away so quickly. (Ashley Hamer)

Dad shacab ah oo reer Somaliland ah ayaa Shalay ku gadooday islamarkaana Buuq ka dhex sameeyay Xafiiska lacagaha ee Laanta Socdaalka Somaliland ee Magaaladda Hargeysa kadib markii uu Xafiiskaasi oo ay Maamusho Wasaaradda Maaliyaddu diiday inuu dadkaasi ka qabto lacago kaash Somaliland ah oo ay doonayeen inay ku iibsadaan Baasaaboorka Somaliland,Taasi oo muujinaysa sida aanay awaamiirtii Madaxweynuhu wali uga fulin Xafiisyada Lacagta ee ay dawladu Maamusho.
Dad weyn baasaaboor u doontay Xafiiska Laanta Socdaalka Somaliland ee Hargeysa oo Wargeyska Foore la soo xidhiidhay ayaa cabasho ka muujiyay Xafiiska Maaliyadda ee Lagu shubo lacagta Bassaborada ee ku dhexyaala laanta Socdaalka,Kaasi oo ay ku eedeeyeen inuu ka diiday inuu lacag Kaash Somaliland ah ka qabto,islamarkaana waxa ay Foore u sheegeen inay Masuuliyiintii Xafiiskaasi ku sugnaa ay meel adag ka istaageen inay Wax kaash ah ka qabtaan. Dadkan ayay qaarkood ku qayliyeen Xafiiska oo ay u sheegeen inaanay dollar iib ah Suuqa ka soo heli Karin,Waxaanay qaar ka mid ahi cadho kaga soo baxeen Xafiiska iyagoo aad uga cadhooday Lacagtii Somaliland ee Kaashka ahayd ee uu Madaxweynuhu amarka ku bixiyay inay xiitaa Shirkadaha gaarka loo leeyahay ku adeegtaan,waxaanay layaabeen oo ay liqi waayeen dad weynahani in laga hor istaago Xafiisyadii Dawlada ee waliba lacagta qaabilsaan inay kaashka ku bixiyaan Lacagta Basborka,Xafiisyadaasi ayaa laga doonayay inay Qiime u sameeyaan Lacagta Shilinka Somaliland oo ay tayeeyaan.
Mid ka mid ah Dadkii Shacabka ahaa ee Shalay uu Xafiiska Maaliyadda ee laanta Socdaalku ka diiday inay lacagta iibka Baasaaboorada Somaliland Kaash kaga qaadaan oo Foore la hadlay ayaa waxa uu yidhi “154 Dollar ayaa la iga rabay,waxaan Miiska u saaray $154-Kii Dollar oo kaash ah, Dabadeedna Masuuliyiintii Goobta joogay ee Xafiiskaasi ku dhex sugnaa waxa ay igu yidhaahdeen Dollar ka soo dhig lacagta oo qaado,ma rabno Kaash eh,Waxaan u sheegay inaan fulinayo Amarkii Madaxweynaha ee ahaa in Lacag kasta oo dalka Gudihiisa wax lagu kala iibsanayo laga dhigto Shilinka Somaliland,waxaana u arkaa dambi inaan dollar la soo galo Xafiisyada Dawlada,Waxaan sidoo kale u arkaa Dambi inaad Dollar i waydiisaan,Dabadeed Dib ayaan ula soo noqday Lacagtii kaashka ahayd,Dad badan oo kale ayaa sidaasi u sitay Lacagta Somaliland oo Xafiisku ka diiday” Intaasi ayuu hadalkiisa ku soo koobay NInkani oo lagu magaabo Axmed Muxumed Cali.
Sidoo kale,Waxa aanu la xidhiidhnay Masuulka Xafiiskaasi Maaliyadda ee Laanta Socdaalka Maamulkiisa haya oo lagu sheegay magaciisa Cabdiraxmaan,Waa uu naga qaban Waaya Telefankiisa Gacanta,Waxaanu sidoo kale raadinay qof ka mid ah Shaqaalaha Xafiiskaasi, Waxaanu si kooban noogu yidhi“Way jirtaa arintaasi oo waanu soo celinay dad kaash noola yimid,Waayo Junkayaga ayaa Dollar ku go’an oo Waa amar Madaxweyne oo aanu hore u haysanay,Waxaana ku saxeexan Wasiiradda Maaliyadda”.mid ka mid ah Masuuliyiinta Xafiiskaasi ka tirsan oo Wargeyska Foore la hadlay ayaa hadalkiisa intaasi ku soo Gaabiyay isaga oo aad uga xumaa in xafiis dawladeed lacag doollarah ku dhegsanaado oo diido shilinka.

Comments

comments

SHARE