Somaliland: Wasiirka Waxbarashada Oo Ugu Hanjabay Dugsiyada Iyo Jaamacadaha Cidi Doollerka Qabata Inu Talaa,,

Somaliland: Expedite The Recently-innovated Somaliland Curriculum, MoE Urges Privately Owned Schools

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Md Cabdilaahi Ibraahim Habane ayaa ku Hanjabay in dhamaan Dugsiyada Dawladda iyo Kuwa Gaarka loo leeyahay ay ku qaadaan Lacagaha Fee-ga ah iyo Lacag kasta oo ay qaadaan Lacagta Shilinka Somaliland, Waxaanu uga digay Masuuliyiinta Jaamacadaha,Waalidiinta iyo Maamulayaasha Dugsiyada gaarka loo leeyahay inay ka taxadiraan lacagtii Dollarka ahayd ee ay Awal iswaydaarsan jireen,Waxa kale oo uu talo waayeel u soo jeediyay Masuuliyiinta Axsaabta Mucaaridka ah ee mucaariday Amarkii Madaxweynaha,Waxaanu si sarbeeb ah ugu sheegay inay Waxa sanna taageeraan,Waxa xunna ka soo horjeestaan,ee aanay arintani oo kale mucaaridnimo ka dayin.
Wasiirka oo Xafiiskiisa Wasaaradda Shalay kula hadlay Warbaahinta Dawlada ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan“Astaamaha Qaranimada waxa weeyaan inaad Dal leedahay oo Xuduudkaagu Mucayin yahay,inaad lacag leedahay,inaad heshiiskaad gasho fulin karto,Maxay u balaadhin laayihiin Shilinka Somaliland,Markay leeyihiin Islaanta Tuulada Joogta ee Foostada biyaha u baahan ayaan u diraynaa,Lacagta Somaliland ugu dir oo balaadhi dee,Hadaad Labaatan doolar u diraysid,Boqol iyo Afartan Somaliland ah u dir,Way ka jirtaa Zaad-ku Dalalka Kenya, Tanzania,Laakiin Shilinka Tanzania iyo Shilinka Kenya ayaa lagu isticmaalaa,Dollar ka Ma maraykan ayaa nahay inagu”.
Waxa kale oo uu yidhi“Bari hadaad hesho taasi ayaa ku sugaysa,Waxaan ku leeyahay Gar eexo oo nimaad Necab tahay aad ku xukuntaa,Nimaad Jeceshahay ayay sugtaa, Adigay ku hor imani,Haddii Ilaahay tani kuu dhiibo,Way ku hor imani,Laakiin Waxa sanna Taageer,Waxa Xunna Horjoogso,Bini-Aadamku waa sidaasi”. Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi“Sida Amarka Madaxweynuhu nafarayo,laga bilaabo Bishani February, kawdeeda Waxay lacagta lagu bixin doonaan Dugsiyada Sare ee Dawlada ee aanu lacagta ka qaadno,Somaliland Shilin ayay ku bixin,kuwa Gaar ah ee Hoose Dhexe ee Dollarka laga qaadaana Somaliland ayay ku bixini,Waalidka Dollar u dhiiba waa Dambiile,Maamulaha Dollar ku xidhaa Waa Dambiile, Ruqsada ayaanu kala noqonaynaa,Jaamacadaha lacagta Fee-ga ah Waxa lagu bixini Somaliland Shiling,Biilasha Ka Wasaarad ahaan aanu bixinayno,Sida Internetka,Laydhka iyo Biilasha kale Somaliland Shiling ayaanu ku bixinaynaa,”.
Ugu dambayn Waxa uu amar u guntay Qaar ka tirsan madaxda Xafiisyada Wasaaraddiisa “Imtixaanaadka Lacagta aad ka soo xeraysaan Somaliland ayaa lagu soo xeraynayaa,Ta Shahaadiga ah ee aad ka qaadaysaana,Somaliland ayaa lagu bixinayaa,Waxaan Shilin Somaliland ahayn Wasaaradda Waxbarashadu Ma aqbalayso,Min Tuule illaa Jaamacad Amarka Madaxweynaha ayaanu fulinaynaa”.ayuu hadalkiisa ku soo koobay.

Comments

comments