Somaliland: Maayarkii Magaalada Baligubadle Oo Xabsiga Magaalada Xarshin Ee Kililka 5aad Oo Loo Taxaabay

153

Maayarka magaalada Baligubadle Cabdi Iimaan Jaamac (Guray), ayaa Xabsiga loo taxaabay, waxaanna loo qaadday dhanka magaalada Xarshin ee dawladda ismaamulka Soomaalida Ethiopia, kadib markii uu u talaabay xadka koonfurreed ee magaaladda Baligubadle, halkaasoo ay ka qabteen Ciidan ka tirsan degmada Xarshin.
Sida ay sheegayaan Ilo-wareedyo ay shabakadda hadhwanaag khadka telefoonka kula xidhiidhay ayaa sheegaya in Maayarka magaalada Baligubadle Cabdi Iimaan Jaamac (Guray), oo uu la socday Askarigiisa gaarka ah, waxay u talaabeen dhanka shishe ee uu maro xadka dawladda Itoobiya, halkaasoo sida la sheegay uu ku sugnaa Guddoomiyaha degmada Xarshin oo ka tirsan ismaamulka Soomaalida Itoobiya, waxaanna la sheegay in Ammar qabashadda Maayarka magaalada Baligubadle Cabdi Guray uu bixiyay, kadib markii uu khilaaf dhex-maray, iyaddoo markii Maayarkii iyo Askarigii la socday-ba loo qaadday dhanka magaalada Xarshin ee Is-maamulka Soomaalida Itoobiya.
Xadhiga Maayarka magaalada Baligubadle Cabdi Guray ayaa sida la sheegay ka dhashay khilaaf in muddo ah-ba u dhaxeeyay Maayarka Baligubadle iyo Guddoomiyaha Xarshin, hase-yeeshee ma jirto tafaasiil intaas ka badan oo aannu ka helnay Xadhiga Maayarka, inkastoo aannu isku daynay inaanu helno xoggo dheeraadda oo intan ka badan.

Comments

comments

SHARE