Somaliland: Dagaal Rasaas La Isku Adeegsaday Oo Dhex Maray Ciidanka Bilayska Somaliland Ee Wajaale Iyo Askar Ka Tirsan Liyuu Booliiska Itoobiya, Dhaawac Jira Iyo Faah Faahinta

376

Ciidan tirsan Kuwa Bilayska Somaliland ee Ka hawlgala Saldhiga Magaaladda Wajaale iyo Askar oo ka tirsan Ciidanka Liyuu Booliiska Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayuu Shalay dagaal ku dhex maray Tuuladda Garbo Haadlay Oo Waxyar Dhinaca galbeed ka xigta Magaaladda Wajaale,Dagaalkaasi ayaa sida la sheegay waxa uu dhaawac ka soo gaadhay Askari ka tirsan kuwa itoobiya oo la sheegay in Markii dambe Maxbuus ahaan ay u soo qabteen Ciidanka Somaliland,islamarkaana ay keeneen Wajaale.
Taliyaha Qaybta Bilayska Gobolka Gabiley Axmed Maxamuud(Guutaale) oo faah faahintan ka siiyay Warbaahinta markii uu falkaasi dhacay ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Saaka(Shalay) Sideedii markay ahayd Ciidan ka tirsan Kililka Shanaad ee Itoobiya oo aan filayo inay Liyuu Booliiska ahaayeen,oo laba Askari ahaa ayaa Xuduuda Somaliland u soo talaabay,Iyaga oo Tuuladda la yidhaahdo Garbo-Haaray Dad ku baadhanaya ayaa ciidanka Saldhiga iyo Taliyaha Saldhiga Wajaale loo soo sheegay,iyo Sidoo kale Masuuliyiinta Degmadda,Markaa way ku baxeen Ciidanku,Goobtii markii ay tageen,labadaasi Askari Rasaas ayay ooda kaga qaadeen Ciidankii Xagan ka tagay ee Saldhiga ka tirsanaa,Kabacdi Ciidankuna wuu u jawaabay,halkaasi woxogaa Rasaas ah ayaa la iswaydaarsaday”.
Waxa kale oo uu yidhi“Runtii Xadka Somaliland ayay ahayd,Dad ayay ku baadhannayeen, Arintaasi Khalad dhacay ayay ahayd,oo Xuduuda ka dhacay,oo Ciidanka liyuu Booliisku ay maanta sameeyeen,Kabacdi Xagga sarena waa loo sheegay oo waa la gaadhsiiyay,oo dhamaan Wasaaradda Arimaha Gudaha Iyo Taliyaha booliiskuba waa wax la wada ogyahay,Xaga Kililkuna way ogtahay oo waa laga wada hadlay,Khasaaruhu waxa uu ahaa,Labadii Askari mid ayaa dhaawacmay,oo ay misgaha ka baxday,oo inuu jabniin ahaa ayaan filayaa,Laba Qori iyo Afartiiba waanu ku wareejinay,Wada hadal kadib,Madaxda Xaga Kililka iyo Xagana way wada hadleen,ku wareejiya ayaa lana faray oo waanu ku wareejinay”.
Ugu dambayn waxa uu yidhi“Maalin walba waxaasi waa dhacayaan laakiin khaladka waxaa lahaa Ciidankaasi Liyuu booliiska,ee baadhashada samaynayay ee Xuduuda u soo talaabay, Maanta ayay dhici oo bari ayay dhici kartaa,Dawladduhuna Nabadgalyo ayay kuwada nool yihiin,Waa Dawlado daris ah oo wada shaqayn ayaa ka dhexaysa,Xagan iyo xagaaba waa la joogaa, Mid ayaynu wada nahay,Waxaan rajaynayaa inay Arintaasi halkaasi inaga dhamaan doonto,Kolay baadhistiina way socotaa”.
Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay badhasaab ku xigeenka Gobolka Gabiley Cali Cabdi Cabdilaahi Iyo Masuuliyiinta Degmada Wajaale kuwaasi oo faah faahin ka bixiyay qaabkii uu Isku dhacaysaa ku yimid iyo sidii loo soo gunaanaday ee ay uga wada hadleen labada Dawladood ee la isku afgartay.

Comments

comments